Dhageyso:-Dabley hubeysan oo weerartay Kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada.

by admin | Tuesday, Jun 18, 2024 | 19 views

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay laba kalana way ku dhaawacmeen shaqaaqo ka dhacday kaam lagu qeybinayay hilibka Udxiyada oo ku taala magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shaqaadadaan ayaa ka dhacday Kaamka barakacayaasha Shabeelle ee ku yaala xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne, kadib markii halkaas oo lagu qeybinaayay hilibka Udxiyada ay weerareen dabley hubeysneyd oo doonayay iney boobaan hilibkaas la qeybinaayay.

Dableyda weerarka qaaday iyo rag kale oo ilaalo ka ahaa qeybinta hilibka ayaa halkaas isku dhaafsaday waqti kooban rasaasta sababtay dhimashada iyo dhaawac dadka shacabka ahaa.

Dhacdaan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayo saacadahii la soo dhaafay guud ahaan afarta xaafadood ee magaalada Baledweyne.
Qaar ka mid ah dadkii goobta joogay ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen.
Hoos ka dhageyso.

Like it? Share it!

Leave A Response