Taliska Taraafikada Ee Baydhabo Oo Ka Hadlay Shilal Dhowaanahan Ku Soo Batay Gudaha Magaalada

by admin | Saturday, Mar 17, 2018 | 1192 views

Taliyaha Ciidamada Nabad Galyada Wadooyinka Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Koonfur Galbeed Soomaaliya Mayow Mukhtaar Madax Gaduud Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Xaaladda Ay Ku Shaqeynayaan Ciidamada Amaanka Ee Wadooyinka.

Taliye Mayow Mukhtaar Ayaa Sheegay In Ciidamada Amaanka Har Iy Habeen Ay U Taagan Yihiin Ilaalada Wadooyinka Magaalada.

Wuxuu Sidoo Kale Ka Hadlay Shilalka Gawaarida Yar yar Gaar Ahaan Kuwa Bajaajta Loo Yaqaano Oo Maalmihii Dambe Kusoo Badanayay Wadooyinka Qaar Ee Baydhabo,Asagoona Sheegay In Taliska Ciidanka Nabad Galyada Uu Qorshaynayo Sidii Wax Loogu Qaban Lahaa Dhibaatooyinkan Soo Noq Noqday.

Magaalada Baydhabo Ayaa Mudooyinkii U Dambeeyay Ku Soo Badanayay Shilalka Baabuurta yar yar Kuwaasi Mararka Qaar Gaysta Khasaaro Isagu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac.

Like it? Share it!

Leave A Response