JACEELKII SAAXIBADA SUMEEYEY QEYBTII SIDEEDAAD
Maalintii Sabtiga yaa waxaa Soo lebistey Ma’xmed oo ku lebestey lebskii ugu danbeyey ee uu awoodey kadib wuxuu u dhaqaaqey dhankii Tagaasida lagu kireynaayey ee Four streat ee magaalda Nairobi kadib Max’med wuxuu soo kireeyey taxsi oo uu aadey guriga aydaganeed Khadro oo kadib wuxuu soo ka xeeyey khadro iyo Xaliimo oo iyaguna sidoo kale labiskii ugu danbeyey soo xirtey kadib waxey soo aadeen dhankii iyo xaafadii lagu marti qaadey,
kadib waxey gargaraaceen gurgii waxaa ka furey maryan kadib maxamed ayaa wuxuu is barey khadro iyo Xalimo iyo Maryan ka dib waxaa fadhiga la geeyey khadro iyo Mohamed iyo Xaliimo kadib waxaa bilaabatey in loo keeno qado si fiican loo soo diyaariyey oo khadro ku tilmaantey mid aan iyaga dhameen karin ka dib wey wada qadee yeen kadib ayaa waxaa gooni qol loogu firaashey Max’med iyo Khadro kadib waxey ku bilaabeen sheekadooda.
Khadro ayaa la soo boodey Max’medoow murayadii qalbiyga muqaadaa iqanciyi musbaxii qalbigeygow muqaadaa mirihii janada Fardoowsaan modaa maan dejiyaa ii tahay maskaxdeyda muuqaada ku maqsuudaa miliyaad muuqaadaa iigala muuna bada muraad key waa inuu mowlahey ii maciino minan kula galo.
Qadraay qalbiqaad qaboojisaa quruxdadaa iyo qiimahaaga qalbigeyga ku weyn qiimahagaa qaruumaha wax u qalmo laga waa Qalbi qaboojiyaa tahay qamar soo ifbaxaatahay qabri intaan gelin inaad iqancisidaan rabaa oo orideyda noqotidoo aqal kula galaan rabaa awlaadeenana aan argnoo wada ceeshnaa rabey Rabigeena inuu raali ka noqonoo labadii isku raagtoo raxa kunaalaato .
Kadib hadala markey is dhaafsadeen ayaa waxey ku heshiiyeen in ay is guursadaan Bisha koowaad ee sandka 2000 habeenka Happy new yearka ka kadib waxaa lagaarey abarihii lixdii ama laba iyo tobansaac kadib waxaa qolkii ka soo baxey lamaanihii ka dib waxey soo fadhiisteen fadhigii waxaa loo keeney casariyo kadib waxa Albaabka soo garaacey dhalin yaro uu ku jiro Axmed oo markey guriga soo galeen ayaa loo sheegey in ay ku jiraan guriga Max’med iyo lamaa nihiisa.
Axmed ayaa markuu soo galey wuxuu salamey Max’med iyo Khadro kadib wuxuu khadro barey wiilashii oo kala ahayeen Max’med iyo Abdi waxaa halkaas isku bartey Max’med qaraabadiisa iyo Khadro Max’muud ayaa hadalo inta badan wuxuu ku tuur tuurey Khadro oo ku yiri Dumaashi barsho wanaagsan hadalo iyo sheeka yer kadib wiilashii ayaa qol kale u gudbey kadib Max’med iyo Khadro oo qoslaayo ayaa waxaa Soo baxdey Xaliimo oo Qolsol kooda layaabtey ayaa waxey ku tiri waryaa waanu ku raagney guriga naga Kaxeeya>
qeybtii shanaad
Kadib Max’med wuxuu Gaarey Xaafaduu degnaa asagoo yaaban ! ayaa intuu Qadeyey. ayuu wuxuu u laabtey shaqadiisa, Max’med oo la yaaban Max’mud oo markuu soo xasuusto hadalkii iyo sidii uu u fiirinaayey ayaa Ma’med waxey ku abuurtey shaki markii danbe wuxuu naftiisa ku qanciyey Wixii Ale qadaro Cidna wax ka qaban karto majiro wixii Alle qadaro ayaa qadaran oo cid wax ka Qaadi karto malahan ee tawakal tu Cala laah ayuu isku dejiyey. mudo kadib wuxuu ka soo rawaxey shaqadii oo Xaafaduu degnaa intuu aadey oo labistey ayuu wuxuu aadey dhankii Khadro Deganeyd oo xafadii markuu gaarey oo Albaabka laga Furey wuxuu salaamey Khadro hooyadeed oo daqiiqado markuu la shekeystey,ayuu qolkii khadro ku jirtey u gudbey oo Xabibtii is salaameen oo salaan kadib Sheekadii ay sii wateen oo mudo kadib ayaa Max’med wuxuu bilaabey si aan waadax aheyn inuu gu sheego wuxuu ka dareemey Max’muud oo ku yiri Gacliso Aduunku Aadanha Alle Abuurey isku uumis ma ahan Adanaha inbaa ku jirtee xumaan ka talisee Xaasid ahoo Xasilka dhiba Xaasidku xanan ka adanaha iyo xanfiga iyo xarakaad ka wuu ka xumaadaa Hablaha qaarbaa xariga xaasidka ku hayaama oo markey hubaal la’aan ku hajuumaan habeen barkii soo booda,hooygeena inuu xalaq soo galo lagu hoogo ayaan ka baqeyaa heegan baa kugu haboonan lahaa.kadib khadro ayaa qusol ku dhufatey oo jawaab ka bixinin arinkan oo anan ogeyn kadib ayey waxey isku deydey in ay wax ka weydiiso sabta uu Maxmed uyiri oo waxey ku tiri Gacaliye aduunka adigaa ii Iftiinshee Indha kale malihi adigaan aheyn Cawa arinkaan adi aad ka hadleysid waa arin cusub ee Daaha ka qaad. Max’med ayaa ku jawaabey shaki laguma duulaan tago shakina intiisa badan Sheydaan baa leh anigu shaki inan sheego ayaan diidanahay lakiin waxaan dareemey dad dhexdeena iney soo galaan ayaan ka baqey. dad baa jira oo Lamanaha kala geeyo ku qamama xumaane Qoysaska kala geeye in qabri lageeyo iyo qiyaamaha ka baqin. kadib Khadro ayaa waxey tiri Gacaliye Nafteydaa ku jecel cid dhexdeena soo kala dhex gelikarto majirto ee waxaan ku sheegeyaa nafteyda La’antaa iney noolaankarin adigaan kaa baqeyaa inan ku waayo oo nafkale ku duufsato oo la iiga kaa wato. Max’med ayaa mudo kadib waxey soo soogootisey khadro oo wuxuu sii adey gurigii uu degnaa oo mudo yer kadib xafaduu degnaa markuu soo gaarey oo casheeyey ayuu sexdey muda yer ka din Max’med wuxuu ku riyoodey asaagoo gabar ceer saneysa oo ka cararaayo oo markii danbe waxaa ka horyimid bali weyn oo dhiig ah oo uusan meel kale mari karin kadib wuxuu eegey gadaal wuxuu arkey Gabadhii oo Salingi dhiig ah oo cirbaduna ay ku jirto usoo wada ta intuu boodey ayuu wuu isku tuurey Dhiigii gabadhiina intey isku soo tuurtey ayey Max’med ku dhegtey oo waxey la soo aadey cirbadii dhiiga kadib Max’med oo qeylinaayo ayuu sarirta ka soo boodey oo naxsan. kadib Max’med wuxuu ku laabtey hurdadii habeen kii oo dhan wuu hurdi waayey oo naxadintii aawadeed la hurdi waayey subaxii intuu soo toosey salada dukadey ayuu shaqadii iska aadey oo maalintii oo dhan wuxuu ka shaqey naayey Dukaankii Galabtii ayuu ka soo rawaxey oo wuxuu xaafada ugu yimid Axmed iyo Max’muud oo wada joogaan kadibna intuu salaamey ayuu dharka iska bedeley oo qabeystey Max’med wuxuu aadey inuu la sheekeysto wiil ay deris ahaayeen oo intabadan jaceel iyo dhibaada heysato ka wada sheekeysan jireen kadib arintii iyo Riyadii ayuu u sheegey oo Max’med saaxibkii wuxuu yiri Saaxib riyadan waa wax xun ee dhiiga ku jira waxey u egtahatay wax khatar ah anigu riyada waa la iiga ga fiican yahay ee waan la yaabanahay, kadib mudo yer kadib Maxmed wuu soo laabtey oo intuu casheyey ayuu sexdey subaxii wuxuu aadey shaqadiisa oo markuu soo laabtey intuu lebistey ayuu Wuxuu aadey Gurigii ay Khadro degneed oo Habeen Dhaaf u aadi jirey kadib Max’med Markuu Khadro hooyadeed uu salaamey ayuu wuxuu u dhaqaqey qolkii Khadro degneyd. Khadro ayaa Salaantey Gacaliyaheeda ayey soo dhoweysey oo tiri gacliye fadhiiso Mudo yer kadib ayaa Max’med wuxuu la soo boodey Gacliso waxaan rabnaa inan dhowaan aan Mehersameysano oo aan ka baxno noloshan dhibka badan lamanaha hadey kala seexdaan lur iyo dhibaataa ku jirta ee waxan rabaa inan caawa ka wada hadal no oo aan go’aan gaarno.Khadro ayey waxey ku jawabtey Gacaliye ma anigaa diidaaye wixii dan inoogu jirta oo aan rer keena ku dhisan laheyn adigaa inoo sheeg goortii aan ka dhigan laheyn guurkeena. Max’med ayaa la soo baadey Sibtembartan soo socoto aan ka dhigano meherkeena Khadro ayaa la soo boodey dhib malahan oo nooga dhig.
qeybtii lixaad
Kadib Max’med oo farahsan ayaa waxaa soo sogootisey Khadro oo kadib Max’med Markuu gurigiisa Gaarey oo dharkii iska bedeley oo seexan rabo ayaa Ax’med oo Tv fiirsanaayey hadalo ku tuurtuurey Max’med na sidii larabey uguma jowaabin ee waa uu ka gaabsadey Max’med Subaxii sida caadadu aheyd markuu Salaada Dukadey wuxuu sii aadey Shaqadiisa maalintii oodhan wuxuu ka shaqeynaayey Dukaankii. kadib shaqada ayuu ka soo rawaaxey oo wuxuu iska bedeley dharkii shaqada oo wuxuu shitey cajalad hindi ah jaceel ka sheekeyneysa Max’med oo Cajaladii daawaneya ayaa waxaa Soo galey Ax’med kadib wuxuu la daawadey cajaladii oo mudo kadib wuxuu bilaabey in hadalo lagalo Max’med oo uu ka wareysto Saaxibadiisa Max’medna sidaa hadalka ulama wadin oo wuxuu ugu jawaabey wey ficneed wax Za’id ah majiraan oo hadii ay wax jiraan koley waa la maqleyaa kadib mudo yer Max’med wuxuu u degtey hoos oo wuxuu aadey meelaha Telfoonka laga dirsado oo u dhaweyd si uu walalahiisa oo dibada jirey ugu sheego kadib waxaa Telfoonka ka qabtey mid kamid ah Walala hiisa oo markuu u sheegey in uu guursan rabo oo gabar mehersan rabo Sebtembarta soo socota ayaa walalkii wuxuu kuyiri Walal waxaa laga yabaa dhowaan inaad Soo dhooftiod oo Nairobi ka soo tagtid ayaa laga yabaa ee ha guursan barito mas’uuliyad iyo dhib ayaad la kulmi doontaa ee waxaan kugu la talin lahaa inaadan guursan.Max’med oo u muuqan waxaan Khadro aheyn ayaa la soo boodey Walal Guurku dhib malahan ee waxaa laga yaabaa in Alle uu faraj ii furo oo aysan noqon sida adiga u meleyneysid kadib markey hadalkii in mudo ah ay isku celcelinaayeen oo Max’med na Daqiiqadihii ka dhamaadeen ayaa Max’med wuxuu yiri daqiiqadaha ayaa iiga dhamaadey ee isoo wac kadib Max’med wuxuu soo aadey xafaadu degnaa asago niyad jabsan oo weliba lahadlin walal kiisa kale mudo kadib wuxuu isku tuurey sarirta asagaa af af u dhacey oo aan hadal laheyn ayaa laba sacadood kadib waxaa soo wacey walalkii oo markoo telfoonka Qabtey oo isa salaameen Max’medna wuxuu la soo aadey balnkoonka Guriga oo Max’med wuxuu isku dayey in uuu walalkii uu u sheego in uu guursan rabo oo uusan ka xanibeen guurka Buufiska ama Dhoofka wax walba ay calaf yihiin oo nin kasta Maalintii Alle qadaro uu dhoofaayo oo Guurku waxna ka xanibeynin walal kii ayaa wuxuu isku dayey inuusan guursan. Max’med iyo Walalkii oo ilaa iyo Afartan iyo Shan daqiiqo waxna iska dhaadhicin ayaa telfoonkii ka qo’ey Max’med ayaa gurigii ku soo laabtey oo wuxuu dareemey Ax’med oo dib u booodey markuu albaabkii balnkoonka soo furey Max’med wuxuu ka shakiyey in Axmed uu dhageysanaayey hadalkiisa kadib Lama hadlin oo wuu seexdey oo Subaxii markuu Soo toosey oo Salaada subax dukadey ayuu wuxuu ku kalahey Meelihii telfoonka laga diraayey nasiib wanaag wuxuu heley walalkiisa kale oo Markuu arintii uu u sheegey uu ku yiri dhib malaha ee anaka ka wada tashaneyna ee niyada kheyr u sheeg Axada ayaan ku soo waceynaa ee daqiiqadaha ayaa kugu badan rabo ee iska jer telefoonka kadibna Max’med oo niyada xoogaa u dhisan ayuu wuxuu aadey shaqadiisa oo maalintaas oo dhan Max’med waxaa laga dareemaayey farxad iyo firfircooni kadib markuu shaqada ka soo rawaaxey ayuu wuxuu aadey gurigii oo daganaa kadib intuu qabeystey oo labistey ayuu wuxuu aadey gurigii Khadro ay deganeyd kadib wuxuu salaamey Khadro hooyadeed kadib wuxuu galey qolkii khadro ooo mudo yer kadib waxaa soo galey Khadro oo lebisan oo aad moodey sid dhalal dhalaal keeda xurul ceyntii janada ayaa soo gashey oo Max’med markuu arkey ayuu waaaw caawa ma dhalashaadada mise caruusad ayaad tahay Khadro ayaa la soo boodey adaaba Caruus kuu ahay maxaaa kaloo ii sheege bil kadib hadii aad i mehersid oo sanad ka cusub 2000 kana la i arooso maxaaba iiga xiga waa bari kadib Waxey soo agfadhiisatey Max’med oo maalintii oo dhan waxey ka sheekeysanaayen sidii ay nikaax u sameysan lahaayeen iyo sida ay isu nikaaxsan lahaayeen mudo kadib ayaa Max’med wuxuu Khadro ku yiri markaan meherka sameysano hal cusbuuc ayaan waxaan aadeynaa magaalada Mombasa si aan bada ugu soo raaxeysano Khadro ayaa sifiican ugu fareaxdey arintan oo waxey ku tiri Max’medoow makaa dhab baa maalin iyo habeen waan ku riyoodaa oo Mumbaso ayaan u xiisey oo waxaan jeclahey `in aan u dalxiistago Mumbasa oo aan ku raaxeysto, Max’med ayaa la soo boodey Gacaliso Hadii Alle edmo waanu u dalxiistageynaa oo adigoo marwa ah oo xabiibkaa la socotid oo nolol kale tii hore ka duwan aayaan wada dalxiiseynaa. mudo yer kadib Max’med wuxuu soo aadey Gurigii uu degnaaa kadib wuxuu iska bedeley Dharkii oo markuu casheyey ayuu seedexdey kadib markuu waaga beriyey oo salada dukadey ayaa wuxuuu aadey shaqadiisa oo wiil ay saaxibo yihiin wuxuu keen sadey Mobile Nokio 3310 oo markaas la xiiseynaayey oo wuxuu soo qaatey laba xabo oo intuu sim kaar kale soo gadey ayuu wuxuu u diyaariyey inuu habeeen danbe uu u geeyo gacalidiisa oo uu telfoon la’aan ku ogaa. kadib Maxmed wuxuu ka soo rawaxey shaqadii oo xaafadiisa intuu adey ayaa wuxuu guriga kula kulmey Max’muud iyo Axmed oo wada joogaan kadib Axmed wuu salaamey oo dharka iska bedeley ayuu wuxuu aadey Saxibkiisa oo isla guriga deganaa mudo kadib wuxuu ku soo laabtey guriga oo labadii qofood aan joogin kadib Tv ga ayuu shitey oo waxyer kadib wuu iska seexdey. halka Axmed iyo Max’muud na habeenkaas ay ka aadeen Gurigii Khadro ay degeneyd oo ay rabeen si ay ula kulmaan Xaliimo oo ay saaxibo ahaayeen Khadro Markey guriga garaaceen ayaa waxaa ka furtey Khadro oo aysan fileynin in ay guriga yimaadaan oo markey aragtey ayey isku naxdey oo waxey moodeysey in ay arin kale ay u sheegayaan oo xabib keeda wax ku dhaceenkadib waxey tiri ii warama caawa waad soo dheeraateen maxaa la iidin qalaa ee soo dhowaada kadib waxey ku soo dhoweysey qolkii fadhiga oo waxey u keeentey Cabitaan oo waxyer ayey u sheekeysey oo wax yer kadib Hooyaded ayaa khadro intey u yeertey oo waxey u dirtey in ay aado guri ay deganeyd habar yerteeda oo deris ay ahaayeen oo Khadro markey gurigii habar yerteeda ay tagtey ayaa habar yerteeda waxey ku tiri Khadroy caawa sidan ugu baahnaa haad ogaan laheyd waad yaabi laheed ee kaaley howshan wax igala qabo qadro waxey ku soo daahdey oo mudo sacaado ah ayey ku qaadatey in ay ku caawiso Habaryerteeda. halka
qeybtii todobaad
Kadib Xaliimo ayaa la soo boodey Dadku isku aragti ma ahan oo nin ba wuxuu wanaag u arko ayuu sameeyaa oo waxaa laga yaabaa in ay iyagu ay ula muuqatey in uu sidaa wanaaga ugu jiro. kadib ayaa waxaa hadal la soo boodey Max’muud oo yiri dhalinyarada qaar kama fekeraan ubadka u dhalanaayo nolo shooda, oo waxey baryeyaan barito canaha canugooda cabi laha imisaa dhalin yaro ah Nairobi intey ku guursadeen oo caanihii ilmahooda cabilahaa xataa Ibsan waayey, oo meelaha Telfoonada laga diro ku baryootama oo leh Bilkii ayaa naga Go’ey ee biilka noo soo dira. anigu waxaan kula talin lahaa Khadro ineysan wax Guur ah aysan guursan oo ay danteeda garato.
Ax’med ayaa hadal lasoo boodey oo yiri Khardo waxaa la haboon in ay balan wada galaan oo markey dibada tagaan oo ay ismehersadaan, ayaa quman lakiin Afrika canug lagu dhaley iyo dhibkiisa waa warer oo hadhowdii canugaga ka tag anigu mayeeleen, kadib wax yer kadib Max’mud ayaa Xalimo ku yiri walaley waanu baxeynaa ee khadrana noogu salaan oo meelkale ayaan mareynaa oo habeen wanaag san kadib waxaa soo istaagey Maxmud iyo Ax’med oo waxey soo Adeen Gurgii Axmed deganaa. mudo kadib Max’muud wuxuu aadey Xaafada Sagshan trii oo uu degenaaa Ax’med ayaa sogootiyey Axmed na wuxuu ku soo laabtey gurigii uu degnaa wuxuu qolka Soogaley Max’med oo hurdaaya .dhinaca kale khadro ayaa waxey timid guriga ay deganeyd xili ay Xaliimo iyo Hooyadeed ay seexdeen oo markey guriga soo gashey ayey sexatey oo subixii markey soo toostey oo ay sameysey Shaqadii guriga ay ka qaban laheyd ayaa waxey u wacdey Xaliimo oo ay ku tiri Xaliimoy maanta Suuga ayaan rabaa ina keen kadib waxaa soo lebistey Khadro iyo Xaliimo Waxey soo Adeen Suqa farnejarka lagu gado.
Khadro ayaa markii hore u sheegin Xaliimo halka ay u socdaan Xaliimo ayaa markey soo istaageen suuqa oo keliya ay ogaatey in Khadro ay rabto in ay Alaabo jiif ah beeciisa ogaato, ay u socoto Xaliimo ayaa la soo boodey maxaad iigu sheegi weysey inaad Farnejer rabtid anaa meel kale ku geyn laha Khadro aya la soo boodey Maalin dhoweyd anoo inta maraya ayaan waxaan halkan ku arkey Alaab qurxoon markaas ayan iskuyiri nafteyda Alaabtan kugu ficnaan laheydaa ee maanta sidaa ayaan halkan u imid kadib Alaabtii Farnejerka ayey beeciyeen oo mudo ayey ku dhexwareegaayeen suuqa oo Xaliimo ayaa waxey Kharo u sheegtey suuq sidaa ugu fogeyn ee ay hada ka hor saaxibteeda Alaab kala gadey intey u sii socdeen ayey waxey u bilowdey sheekadii xaleyto markey ka tagtey Axmed iyoMaxmud ay u shegeen oo ay ku dhaheen sidaan in laga fiican yahay sidoo kale Xallimo ayaa iyaduna waxey bilowdey Khadro iney san ku degdegin Go’aanka guurka oo marka laguur sado ay san wax awood ah laheyn hader waxaa laga yaabaa inaad xur tahay oo go’aanka adiga kelihgaa aad leedahay oo aan qofna ku xukumeynin oo waxaad go’an satid goaan kuu yahay lakiin marka lagu guursado oo aad marwo noqotid in laguu talinaayo.
Khadro ayaa lasoo boodey waa runtaa ee wax in laga fiirsado oo lagu degdegin ana waxaan balan lagaley Xabiibkeyga oo waxaan u sheegey in bishan soo socoto aan is mehersan doono oo weliba Qoyskiisa Max’med wuu u sheegey oo waa arin markii hore la Rabey in Go’an keeda laga fiirsdado hader Waalidkiisa iyo walaalahiisa Waa loo shegey ee maxaa la sameyn karaa. Xaliimo ayaa la oo boodey Aduunka adiga keliya ma bilaabin ee dadkale adiga kaa horeyey ayaa sidan ku dhacdey waxaan ogahay gabar habeen kii cashada lagu meherinaayey loo fadhiyo oo raashiinkii xataa bissil yahay oo odeyaashii labada dhinac ay fadhiyaan ay diidey ninkii lagu meherin lahaa oo ay raacdey nin kale ayaan ogahay.
Kadib khadro ayaa waxaa ku abuurmey walac oo waxey Xaliimo ku tiri Walalaley ina keen aan aadne Xaafada wax yer kadib waxey aadeen Xaafada oo khadro waxey gashey Qolki ay seexan jirtey oo intey Busto hogsatey ayey waxey iska dhigtey qof seexdey Xallimo ayaa soo gashey qolka waxey u dhawaaq dey Khadro lama hadlin oo waxey moodey iney seexatey Galabtii ayaa waxaa soo baxdey Khadro oo aad moodey sid qof wejigeeda murugo ka muuqto kadib waxaa u yimid Xaaliimo oo la yaaban waxa ku dhacey Khadro ayaa waxey wada galeen Qolka oo ay ku tiri khadro maxaa ku helley oo wejigaada bedeley waxey ku tiri arinkii aad ii sheektey ayaa murugo iigu beerey oo waxaan ka walac sanahay waxaan sameeyo kadib iyo balan darida iyo diin la’aanta ioigu dhaceysa .
Xaliimo ayaa ku tiri wax weyn ma ahan ee Max’med markuu kuu yimaado u sheeg ama anaaba u sheegeya in arin kale soo kordhey oo Qoyskaga xagiisa ah, oo arinkii dib loo dhigo oo aysan suura gal aheyn sidaa saxib kaana ku heyso oo arinkana ka noqo. oo adoon wax dhib ah kugu dhicin Khadro ayaa waxey ku tiri Max’med ayaan ogahay iyo Hamigiisa oo waxaan fileyaa inan waayo oo anigoo ku warersanaa Max’med dabeecadiisa ayaan waxaan ka baqayaa in wax kale dhacaan.Xalimo ayaa la soo boodey Qofka aad guursan rabtid waxaa la baroobeyaa Dabeecadiisa oo markaad si fiican u baratid ayaa la guursadaa.
kadib Khadro ayaa ku jowaab tey inta la is shukaan sanayo oo la is jecel yahay oo guriga la isla tegin qofna dabeecadiisa runta ah Qofka kale uma soo bandhigo ee waxaa la is tusaa dabci wanaagsan oo keliya dabeecada Runta ah waxaa la ogaadaa markaad guri wada degtaan. Mudo kadib waxaa u soo galey Gabar deris ahaayeen oo markey soo gashey oo in yer sheekeysteen ayaa Khadro intey istaagtey waxey aadey suuliga si ay isu diyaariso oo muda yer kadib oo ay ogeyd inuu imaan doono Max’med Xaliimo iyo Gabadhii ayaa isku soo harey mudo kadib waxaa Soo laabtey Khadro oo is diyaarineysa sacado kadib waxaa Soogaley Max’med oo lebisan oo gacanata ku wado Mobilkii oo lagu soo ridey Gifft Bag oo qurux badan.
qeybtii sideedaad
Kadib Max’med ayaa Markuu Albabka garaacey oo laga furey wuxuu xooga la sheekeystey Khadro Hooyaded oo in yarkadib wuxuu u soo gudbey qolkii ay ku wada Sheekeysan Jireen Khadro oo markuu qolkii soo galey oo khadro isa salaameen oo muda yer sheekeysanaayeen ayuu wuxuu gudoonsiiyey hadiyadii uu u wadey, khadro oo faraxsan ayey waxey ku soo boodey Max’med waxey ku tiri gacaliye waxaad iiga goysey murugo aan aad ugu murgoonayey oo waxaad ii sameysey arin aan fileynin dhowaanahan wakhtina waad ii badbaadisey iyo weliba tegidii guri qofkale leeyahay oo marlaabaad intey Max’med ku soo boodey ayey u mahad celisey.
oo habeenkii oo dhan Max’med iyo Khadro waxey iskula joogeen Farxad oo mudo kadib Khadro ayaa waxey Soo soogootisey Max’med oo waxey gurigii ku laabatey iyadoo faraxsan oo Mobilkii gacanta ku wadato oo markey guriga gashey ayaa waxaa u yeerey Xaliimo oo waxey ku tiri murugadii kaa muuqatey iyo farxada hader kaa muuqata isma lahan ee maantaa oo dhan sidaa uma faraxsaneyn ee ma biyihii farxada lagu siiyey. Khadro ayaa waxey ku jowaabtey fiiri waxaa la ii keeney Mobile oo waxaan ku faraxsanahay inan mardanbe intaan guri qofkale aado telfoon la iigu yeereynin maanta telfoon gacan teyda uu ku jiro. Xaliimo ayaa la soo boodey waaw kadibna Khadro gacanteeda intey telfoonka ka qaadey oo labada dhinac intey u rogtey dedna ay ku celisey gacantii Khadro oo waxey kaloo raacisey hadalkii dib u dhigista nikaaxa ma u sheegtey Max’med?
Khadro ayaa la soo boodey waxaa iiga daa farxad ayaan la bood boodeyaa ee maxaan wax sheegaaa anigaaba kala badbadanaya farxad aawadii. Xaliimo ayaa la soo boodey Mobil oo keliya ayaad mustaqbalkaada ugu hadli weysey? Khadro ayaa ku jawaabtey qof iiga farxiyey maan ka naxin karaa waba doqonnimo anigu wadnaheyga waxey ii diideen qof iiga farxiyey inan murugo ku beero oo aan u sheego wax uu san iiga filaneynin oo hadana Max’med hamigiisa aan ogahay iyo sida isku key raacsiiyey oo imoodo inaan marwadiisa ahey marwalba waxaan ka fekeraa siduu noqon lahaa Max’med hadii hadalkan aan u sheego iyo sida xaaladiisa ay ku danbeyn doonto.
Xaliimo ayaa la soo boodey hadii aad ka cabsaneysid anigaan ka cabsaneynin ee u sheegeyaa hadalaka oo u kala cadeyneya oo waxaan lee yahay saxiib arinkii wey isbeshey ee arin kale ayaa jira. Khadra ayaa waxey tiri hadii aad u sheegtid dhib malahan wax weyn anigu uma arko ee intaan anigu sheegi lahaa adigaa ku fiican inaad sheegtid Xaliimo ayaa la soo boodey waad arki doontaa anigoo arintaan uu damac sanyahay max’med ka celiyey oo arinkuna aan u sheegey. waxyer kadib ayaa Khadro waxey la soo boodey saaxibey waxaan Rabaa barito hadii Alle edmo inan isu raacno meelaha Teleefoonaadka laga diro si aan dadkii dibada jirey Telfoonkaan aan u siino Xaliimo ayaa la soo boodey waa Runtaa anigu xitaa waxaan raba inan telfoonkan siiyo Ninkeyga ee Barito ayaan israaceynaa.
Subaxii markuu waaga bariyey ayaa waxaa is raacey Khadro iyo Xaliimo oo waxey aadeen meelihii telfoonadka laga diraayey Khadro ayaa waxey wacdey eheladeda oo telfonkii numbarkiisa siisey kadib Xaliima na waxey wacdey odeygeeda oo waxey sii sey numbarkii oo mudo yer kadib waxey soo aadeen dhanka iyo suuqa si ay u soo dukaameystaan oo waxey soo mareen Dukaan kii uu ka shaqeynaayey Max’med oo markey soo galeen ayaa Maxmed intuu soo istaagey Salaamey oo si fiican u soo dhaweyey ayuu Max’med oo aan arki jirin Khadro oo dukaanka soo booqo tan iyo intey xirirka saaxibtinimada dhex marey ayuu kuyiri maanta waxaad i xasuusineysaa maalintaan isbaraneyney.
qeybtii sagaalad
Mudo yer kadib Max’med ayaa sogootiyey Khadro iyo Xaliimo oo markuu soogootiyey, Ma’xmed wuxuu ku soo laabtey Dukaankii kadib markuu shaqada ka soo laabtey oo guriga yimid ayuu wuxuu guriga kula kulmey Ax’med iyo Gabar la yiraahdo Asli oo Max’med horey u wada sheekeysan jireen intuusan Khadro isbaran Max’med markuu guriga Soo gaaley ayuu salamey oo dharka intuu iska soo bedeley oo soo qabeystey ayuu wuxuu Asli ku yiri caawa waa arin aan fileynin Asliyeey maxa soo kordhey oo caawa xaafadan oo aan weligey kugu arkin u timid maxaa si bedeley oo soo kordhey Max’med wuxuu u qaatey in ay Axmed iyo Asli uu wada sheekeysi ka dhaxeeyo lakiin arinku sidaa ma aheyn Arinku wuxuu ahaa in dabin looga dhigo oo sidii la isga horkeeni laha asaga iyo Saaxibtiisa.
mudo kadib Max’med intuu lebistey ayuu wuxuu aadey Saxibkiis oo isla xaafada deganaa oo in mudo ah ku maqnaa oo markuu soo laabtey oo xafadiisa ku soo laabtey ayuu wuxuu arkey in marhore ay ka rawaaxeen xafada Asli iyo Axmed in tuu casheeyey ayuu tv ga iska shitey oo mudo kadib wuu seexdey subaxii markuu soo toosey oo shaqada soo aadey ayaa Max’med waxaa u yimid Cabdirashiid oo ay is yaqaaneen oo mudo South africa ku maqnaa oo markey isa salaameed ayaa Cabdirashiid ku yiri waxaan rabaa inan sifiican u wada sheekey sano ee maanta markaad shaqada ka soo rawaaxdid aan isagu imaano cafateriga Lova oo ku yaala Gololey iyo Third st Max’med ayaa wuxuu yiri haa waaruntaa halkan waa goob ganacsi ee aan isagu imaano.
mudo kadib Cabdirashiid oo waxba ka ogeyn Ax’med Dhagartii ayuu wuxuu u tagey Ax’med ayuu ku yiri Ax’med maanta aniga iyo Max’med ayaan waxaan ku balaney inan kuwada shaahno Lova ee adna aan is raacno Ax’med ayaa yiri waa ok dhibmalaha ana dadkale ayaan meel kale kula balan sanaa meesha ayaan kuwada sheekeysaneynaa mudo kadin, Axmed ayaa telfoon u direy Max’muud oo ku yiri max’muudow war ayaan kuu hayaa Max’med ayaa Cabdirashiid maanta kula balan san Lova ee waxan rabey in aan Aslina mesha aan ku balmino oo aan khadro aan wacno oo aan ka dhigno inuu Asli kula sheekeysanaayey Goobtaas oo sidaa haku kala shakliyaan kadib Max’muud ayaa Qosley oo yiri Saxibow waa arin fursad ah ee aanu sameyno.
Ana hada ayaan waxaan aada Xafada ay degan yihiin Xaliimo iyo Khadro ugu sheegoo. Kadib Max’muud ayaa wuxuu soo aadey xafadii khadro ay deganeed oo mudo kadib markuu xaafad soo gaarey ayuu Xalimo intuu u yerey si gooni ah wuxuu ugu yiri waxaan rabaa inan arin kugu sheego oo waxaan argey shaley Max’med oo gabar saxiibo ay ahaan jireen ay ku wada sheekeysaneyaan Cafateriyada Lova ee hadana iyagoo dhahaya barito aan halkan isagu imaano ee waxaan rabey barito Khadro soo wad ee si ay u aragto oo Xaliimo ayaa rabtey in labadan Xirirkooda ay wiiqdo, ayaa la soo boodey anigaa soo wadaya meeqa saac ayey balameen 11 saac ama 5 shanta galabnimo.
Xaliimo aya la soo boodey Khadro oo war iyo wacaal u heynin ayaan keeneyaa si ay u ooyso Max’muudow telfoon ayaan heysanaa ee numbarkan qoro ee nasoo wac sidii ayuu Maxmuud wuu ku heley numbarkii Khadro oo mudo yer ka din intuu Axmed wacey ayuu yiri saaxib dadkii waala dalacey ee telfoon ayey heysataan ee numbarkan qoro, Ax’med numbarkii ayuu qortey oo wuxuu ku keed sadey mobel kiisa oo mudo ka dib Axmed intuu aadey gurigii ay deganeyd Asli ayuu wuxuu ku yir Asliyey maanta waxaan kuu hayaa nin kii niyada kaa jabiyey oo wax kula qaban waayey inaan asna Jaceelkiisa ciid ugu shubno ee soo lebiso ina keen meel ayaan aadey naa asli ayaa la soo boodey maxaad ka wada warka ii cadee Axmed ma ku fahmin ee maxaad ka wada waxaan wada aadeynaa maqaayad si Max’med u xanaaqo oo saxibtiisa ayan rabaa inaan ku baro ee ee Max’med markuu arko labadeena oo isla socono wuxuu u qadanaa in wax naga dhaxeeyo ee waxaa laga yabaa inuu kuu soo laabto oo arinkan darteeed.
Axmed , Asli runta uma sheegin ee wuxuu ka baqayey in hadii runta u sheego Asli diido ay san soo raacin Asli ayaa hadalkii yeeshey oo intey isa soo qurxisey ayey Axmed isa soo raaceen oo sacada ayaa waxaa ka dhineyd sacad iyo bar ahmed ayaa yiri na keen guriga ayaan ka soo lebi sanaa Axmed ayaa guriga intuu aadey ka soo labistey oo waxey soo aadeen kafateriyada Lova oo waxey dalbadeen shaah oo mudo yer kadib waxaa soo galey Cabdirashiid oo wuxuu soo fadhiistey Axmed dhinaciisa oo mudo kadib waxa soo galey Max’med oo shaqo ka yimid oo markuu fadhiistey ayaa Axmed kursi ku dhegan Asli uu yiri inta Fadhiiso si aan u wada sheekeysano Max’med oo yaaban ayaa Asli soo ag fadhiistey oo Max’med oo sina ba caadi u aheyn oo yaban ayaa asli waxey ka dareentey wejigiisa cabsi waxey tiri Max’medoow maxaa si kaa ah ee wejigaada wuu bedelan yahay Max’med ayaa la soo boodey sidii qof mahsan oo kale ayaa la soo boodey halmar waxna abaay aduunka ayaa iska murugbadan oo maalina waa murugo maalina farxad mudo yer ka dib Axmed ayaa Shaah u dalbadey.
Max’med oo mudo yer kadib markii Max’med loo keeney shaaha waxaa telfoon u soo dhacey Axmed oo Max’muud la hadlaayo oo wuxuu u shegey in ay ku soo dhow yihiin oo daqiiqado ka dib ay iimaaneyaan kafteriyaha ayna la socdaan Xalimo iyo Khadro mudoyer kadib, Axmed ayaa ku yiri cabdirashiidow arin ayaa hada la ii sheegey ee wax yer banan ka ma ila istaagi kartaa Cabdirashiid oo yaban ayaa banan ka u soo baxey oo markuu bananka soo istaagey ayaa Axmed wuxuu ku yiri Saxib dhib majiro ee gabadhan ayaa Max’med in ay la sheekeysato ayey rabtey sidaas ayaan kuugu wacey, oo mudo kadib waxaa is soo istaagey oo goobtii yimid Khadro iyo Xalimo Max’muud hor socdo markey goobtii ay soo istaageen ayaa Max’muud ku yiri Dumaashi Khadro Chips ayaan rabaa inan halkan ka soo qabsano ina keena gudaha.
Khadro ayaa waxey rabtey iney salaan ula istaagto Axmed iyo Cabdirashiid ayaa Max’muud ku yiri Gudaha na soo geli Sheeko khaas ah ayey heystaan ee Khadro gudaha markey soo gashey ayaa waxey hindha heeda ku dhufteen Asli oo lebisan dedna hor fadhido Max’med intey yera shakidey ayey waxey ku dhowaatey Max’med oo waxey ku tiri Max’med ii waran ma iifican tahay? Max’med intuu isku naxey ayaa la soo boodey fiican! oo halmar istaagey oo wuxuu arkey Xaliimo iyo Max’muud oo iyaguna Casheir ka ama miiska lacagta laga dhibo taagan Max’med ayaa khadro ku yiri maxaa dhacey oo maanta meel aan weligey kugu arag iyo dad aadan la soconjirin ayaad la soctaa! waxey ku jowaabtey Adigu xitaa heerkan kugu ma ogeyn inaad kafateeriyasha fadhiisatid. Max’med ayaa la soo boodey anigu arin kale ayaan halkan u yimid ee intabadn meelahan wakhti uma haayo ee shaqadeyda ayaa ka badan.
qeybtii tobnaad
Max’med ayaa wuxuu ku yiri Khadrooy Khubarad Dabinka iyo Dabandaabada ayaa dabinka nala heley adna waxaad u muuqataa mid dabinka ducda looga haayo ana dabinka waa la iigu duugey ee horaan kuula dardaarmey ana dabinka anoo fileynin ayaa sidii dacarta oo kale la iigu dirqiyey dagaa marlabaad ima dago Aqligaada adeegso oo caawan kaga sheekeyneyaa arinkan maribi inaan halkan kuugu sheekeyo, Khadro ayaa la soo boodey indho run ayey ku oyaan arigtideydana waa run daahna igama saarna erey hadii laguu sheego waaba laga shakiyaa cayni waa yaqiin maxaad ii sheegi laheyd? Max’med ayaa la soo boodey Khadro waxaad arkeysid iyo waxa meesha yaala is malahan ee anaka arin kale ayaan halkan u imaaney ee waa ceen inaan hadal halkan isku weydaarsano ee waxaa inagu haboon in aan tagno meel munasab ah ee aan kaaga sheekeyo arinkan.
mudo yer kadib Khadro oo madaxa ruxeysa ayaa dhinaca ay tagnaayeen Mahmuud iyo Xaliimo aadey,Max’medna intuu istaagey asaga oo xitaa maca salama dhihin Asli ayuu dhaqaaqey oo albab ka soo baxey. kadib Cabdirashiid oo bananka taagan ayaa wuxuu ku yiri Max’med intee u socotaa oo miyaad na daahsatey? Max’med dib uma soo eegin ee socodkiisa ayuu watey oo wuxuu sii aadey Xaafadii uu degnaa waa sidaa ugu fogeyn kadib Cabdirashiid intuu yaabey ayuu wuxuu gudaha usoo galey Kafateriyada ayuu Asli wuxuu ku yiri maxaa dhacey oo aad ku sameysey Max’med Asli ayaa la soo boodey Abooy anaba yaaban ee waxaan la yabanahay waxa meesha ka socda Max’med oo hadalo aan ka maleysaneynin ku hadlayo iyo gabdha halkaan tagan oo aad moodid in ay tahay xaaskiisa ama qof wax ka dhaxeyaan ayaa Soo gashey oo hadalo ayey isku tuurtuureen kadib dib iima soo eegin asaga oo carareya ayuu sii baxey, waxaan ka dareemaayey tan iyo markey Soo gashey gabadhan gudaha naxdin iyo murugo aan weligey Ma’xmed ku arag.
Cabdirashiid ayaa intuu aadey dhankii ay taagnaayeen Maxmuud iyo gabdhaha ayaa ayaa intuu Maxmuud salaamey oo ku yiri Maxmuud ii waran ma fiican tahay? waw maanta Dumaashidey maa kula socoto mad ibartid Saxibtaa koley anigu guur kugu ma ogeyn hadan qaldamana iqabo hadii ay xaaskaad tahay Max’muud ayaa la soo boodey Xaliimo waaba taqana ee qoftan kalana waa dumaashidaa Ma’xmed qoftiisa waayey asagoo qoslaayo, Cabdirashiid ayuu wuxuu rabey inuu ogaado gabadhan Asli u sheegtey oo kadib asagoon lahadlin ayuu wuxuu aadey Xafadii Max’med degnaa oo markuu albabka ka galey ayuu wuxuu arkey Max’med oo dharkii iyo kabihii wato oo sariirta afaf u jiifa ka dib intuu soo toosiyey yiri Max’med see wax u jiraan ee maxaa ku dhacey oo waxaan la yabanahay arinkan ka dhacey goobtii aan ku balan saneyn ee walalow ii sheeg? Max’med aya la soo boodey waxaan oo dhan adaa iigu sabab ahaa ee dabinkan adaa ii dhiigey anigoo iska jooga oo aan waxba ogeyn adaa iigu balamiyey.
Cabdirashgid ayaa la soo boodey walalow wax ka ma ogi oo waxa dhacaya waa arin aan waxba ka ogeyn ee see wax ujiraan waxaan la yaabey adigoo aniga ku balamiyey ayaan Axmed u sheegey oo asna wuxuu iigu yiri ana waa idin imaana ee arinku sidaa ayaan Ax’med ugu balamiyey oo wuxuu dabada ku watey war uma heynin lakiin markaan arjkey adoo cararaya hadan nala hadlin ayaan wax daraamey iyo Max’muud gabdhaha la socdey ay soo galeen iyo Ax’med wejigiis markaas ayaan intaan Asli aadey xoogaa ii sheegtey ee walalow Aduunku wax walba waala arkaa ee aan ka aheyn Wejiga Alle ee koley wixii dhacey wey dhaceen ee adoo eraali ah ayaan waxaan rabaa inan isa raacano cawa ee arinkaan iiga sheekey sid ee aan aadno magaalda ama downTown ka Neyrobi Max’med oo caga jiidaayo ayaa wuxuu soo raacey Cabdi rashiid waxey soo raaceen Buska numbar 9 ee aado magalada kadib Max’med ayaa wuxuu u bil;aabey Cabdirashiid arinkan iyo dabinmka ay wateen Axmed iyo Max’muud ee uu ka shaki sanaa in mudo ah in ay damac san yihiin in ay soo kala dhex galaan adaga iyo Xabiibtiis Max’med ayaa wuxuu yiri dhib malahan Rag iyo rafaad wey wada dhasheen lakiin wixii Alle ii qora ayaa ii qoran ana waan mareyaa ee sina uma weynaayo hadii Khadro ay Calaf ii aheyd waan heleyaa hadii Alle ii Qorin ma helaayo
qeybtii kow iyo toban
Xaalimo ayaa la soo boodey waxaan kuu diidaayey in aad wakhti isga lumisid jaceel aan caleen laheen oo Afrika jooga ee beryahan waxaa Socdo Jaceel buufis waxaa la isu guursadaa in dibada la isgeyo, ee muxuu kuu tarayaa nin Afrika kula joogo waxaa la raad sadaa nin Dibada joogo ama ka yimid oo guur doon ah oo inta Afrika joogtidna Biil kada ayaa la Saartaa, markaad Dhooftidna haduu ku canfaco waa la heystaa hadii uusan ku canfacin na waala sii deyaa ee mar walba jaceelka been been la samee hadii aad maslaxad wadatid.
Khadro ayaa la sooo boodey wlalaley madaxa ayaa i xanunaya ee adna mushaa kil kale ha iigu furin ee iiga daa Max’med iyo Jaceel midna Marabi ee anigaa madaxa ka walanaya ee waxaan rabaa inaan farmashiyahan kaniga mada xanuun ka ka gato ee ina keen kadib mudo kadib markey wada tagen guriga Khadro ayaa Guriga gashey oo intey kaniniga cabtey ayey seexatey halka Max’muud iyo Xaliimo ay sheeko Camirteen.
Max’med iyo Cabdirashiid ayaa markey shaneemada Soo dhameysteen waxey soo adeen guriga oo Max’med ayuu u sheegey Subaxii markuu hurdada ka soo tooso in uu aadayo Xafada Ay deganaayeen Xaliimo iyo Khadro sidii ayey ku kala seexdeen oo subaxii Max’med ayaa wuxuu u ka lahey Shaqadiisa asagoo ka muuqato dhafar iyo murugo oo malintii oo dhan qof walba oo yaqaaney Faraxsanaantii maxamed iyo Dabciigiisa ayaa la yaabayeey oo waxey wey dii nayaaan Max’med maxaa ku helley Max’med ayaa ugu Jawaabayey in Xaley uu san seexan oo Asxabtiisa ay dhafriyeen oo uu soo jeedey .
sidoo kale Cabdirashiid ayaa hurdo ka soo toosey Abaarihii lix saac ama laba iyo tobankii oo intuu soo qabeystey ayuu labistey oo quraxdey ayuu wuxuu aadey Xaafadii ay degnaayeen Xaliimo iyo Khadro markuu Al-babka garacey Ayaa waxaa ka Furtey Xamdi oo Khadro Dumaashided ah oo markuu slaamey ka dib ayaa wuxuu wey diiyey in ay joogaan Xaliimo iyo Khadro waxey tiri wey joogaan ee Soo dhowow waxeyna ku soo dhaweysey Fadhiga oo intey Xaliimo iyo Khadro ay u tagtey ayey Waxey u sheegtey in marti ay u joogto guriga Xaliimo iyo Khadro Xaliimo iyo Khadro ayaa waxey soo aaden Dhankii iyo fadhigey waxey la kulmeen Cabdirashiid oo fadhiga Fadhiyo dedna intey is salaameen ayaa waxaa kaftan bilaabey Cabdirashiid oo mudo kadib wuxuu u sheegey sabta uu halkan u yimid in ay tahay in uu runta u sheego oo asaga sabab u noqon in uu burburiyo Xiriir laba qofood ka dhaxeeyo oo waxaan rabaa in aan runta idin sheego oo Max’med uu asaga bala miyey oo mudo ka dib uu usheegey Ax’med.
Axmedna uu u sheegey Max’muud oo mudo kadib Aniga iyo Max’med oo wada shekeysaney no ay u yimaadeen Ax’med iyo gabadhan Asli ah oo mudo kadib telfoon uu Max’muud soo direy oo ay isla hadleen Axmed daqiiqado ka dib Axmed uu ku yiri ina keen bananka, Arin ayaan kuu haya si aan u sheekeysano bananka sidaa ayaan ku soo istaagney oo mudo kadib na idinka ayaa soo istaagey arinkan ayaa ah dabin laga soo shaqeyey.
Xaliimo ayaa la soo boodey dabin ma aheyn ee dabinlow ayaa la qabtey oo dhagar watey ee hadan wax weyn ma ahan. Khadro ayaa la soo boodey walalow koley dhib malahan arinkuna sida adiga ugu murgeyso ma ahan anka xitaa aqli ayaan lee nahay ee wax wanu daremeynaa hadii arinku sida adiga sheegeysid uu yahay waa iska caadi ee dhib malahan ninkii xumaan wata asaga ayaa la arkeyaa ee adigu ha ka murgin mudo kadib Cabdi rashiid ayaa iska baxey oo waxaa isku soo harey Xaliimo iyo Khadro Xaliimo aya la soo boodey wuxuu ino sheegaaa in Max’med dacad yahay nin Dacad ah waa la yaqaana nin gabdha sidii Shaati oo kale isagu bedelo ayaa laleeyahay Jaceel dacad ah ayuu wataa waa yaab? Khadro ayaa la Soo boodey Saxibey adi maxaad la murgeysaa ee arinta Maxmed iska Dhafaaf aniga iyo asaga. Xaliimo ayaa la soo boodey wax ma iiga gelin anigaa isa soo geliyey. Khadro ayaa waxey tiri saaxibey aduun ku lama oga sida uu isu bedeli doono anigu ma rabi inan Max’med maan ta oo dhan ka hadal no hadan sharafta qofka meel looguma dhaco.
qeybtii laba iyo tobnaad
Khadro ayaa la soo boodey ina keen Suqqa ayaan aadeynaa ee si aan niyada u soo dhisto ka dib waxey soo aadeen suuqa oo markey gudaha Suuqa marayaan oo meel u dhow dukaanka Max’med ka shaqey naayey asyaa waxey la kulmeen Max’med oo qado soo doontey Max’med ayaa markuu indhaha ku dhuftey istaagey oo Khadro u dhawaaqey oo yiri Khadrooy ii waran Habeen dhoweyd ma is arkin arin tii dhacdey aawadeed ayaan u imaan qwaayey ee waxaan rabaa cawa inan kuu imaado ee sidaa lasoco.Khadro ayaa la soo boodey ok dhib malahan.
Waxyer ka dib Xaliima ayuu salamey oo intey go’ni ula istagtey Max’med ayey waxey ku tiri Max’medoow beryo ayey Khadro ku xiiseyneysey oo welina jaceel dhab ah kuu heysey lakiin maanta waxbaa isbedeley ee waagii hore Alaabta arooskeeda ay dhigan laheyd wey ka fekeri jirtey iyo sida carooskiina u dhacayo ee maanta wxaan ogahay in aysan rabin wax caruus ah oo keliya waxey rabtaa dibad. Max’med ayaa arinkan waxewy ku noqotey fajac iyo arin ku soo bood ah oo intuu fekerey ayuu wuxuu naftiisa u sheegey qoftan in aysan aheyn Khadro oo wax ka dhaxeyaan uuszan jawaab cad siin karin oo wuxuu ku yiri Xaliimo Beribaa waxaa jiri jirey Nin boqor wadan ka talin jirey oo maalin maal maha ka mid ah ayaa wasiirkiisa wuxuu yiri waxaan rabaa inaan Dameerka sida dadka oo kale mudo kadib arinkii ayaa waxaa maqley Boqorkii oo intuu Wasiirkiisa u wacey ayuu ku yiri Wasiir ma adigaa yiri in aad ka hadan shiineysid Dameer sida binu aadanka ? wasiirka ayaa ku jawaabey Haa waan ka hadashiin kara. Boqorkii ayaa ku jawaabey waxaan kuu qabtey Sadex sano oo hadii aad ka hada shiin weysid mudadan sadexda Sano in aan qoorta kaa jeraayo.
Mudo kadin ayaa wasiirkii wuxuu aadey Gurigiisa markuu Al-babka ka soo galey ayaa naagtiisa waxey ku tiri nin keygiyow maxaa kugu dhacey oo aad utiri Dameer ayaan ka hada shiinaa waa kan maanta naftaaa ayaad halis gelisey oo sadex sano waa lagu dilaa ee maxaan Sameyna ee caruurtii iyo aniguba dhib ayaad inoo keentey? Wasiirkii ayaa qosley oo wuxuu ku yiri Xaaskiisa Xaaskeygow waxaan rabaa inaan kuu sheego in anigu nafley ahay oo Boqorkuna uu nafley yahay xitaa dameerkuna uu nafley yahay oo sadex sano laga yaabo mid keena uusan gaarin amaba laga yaabaa inan Dameerka hka hadashiyo ee haka murgin.
JACEELKII SAXIBADA SUMEYEY QEYBTII LABA IYO TOBNAAD
Khadro ayaa la soo boodey ina keen Suqa ayaan aadeynaa ee si aan niyada u soo dhisto ka dib waxey soo aadeen suuqa oo markey gudaha Suuqa marayaan oo meel u dhow dukaanka Max’med ka shaqey naayey asyaa waxey la kulmeen Max’med oo qado soo doontey Max’med ayaa markuu indhaha ku dhuftey istaagey oo Khadro u dhawaaqey oo yiri Khadrooy ii waran Habeen dhoweyd ma is arkin arin tii dhacdey aawadeed ayaan u imaan waayey ee waxaan rabaa cawa inan kuu imaado ee sidaa lasoco.Khadro ayaa la soo boodey ok dhib malahan.
Waxyer ka dib Xaliima ayuu salamey oo intey go’ni ula istagtey Max’med ayey waxey ku tiri Max’medoow beryo ayey Khadro ku xiiseyneysey oo welina jaceel dhab ah kuu heysey lakiin maanta waxbaa isbedeley ee waa gii hore Alaabta arooskeeda ay dhigan laheyd wey ka fekeri jirtey iyo sida carooskiina u dhacayo ee maanta wxaan ogahay in aysan rabin wax caruus ah oo keliya waxey rabtaa dibad. Max’med ayaa arinkan waxey ku noqotey fajac iyo arin ku soo bood ah oo intuu fekerey ayuu wuxuu naftiisa u sheegey qoftan in aysan aheyn Khadro oo wax ka dhaxeyaan uusan jawaab cad siin karin oo wuxuu ku yiri Xaliimo Beribaa waxaa jiri jirey Nin boqor wadan ka talin jirey oo maalin maal maha ka mid ah ayaa wasiirkiisa wuxuu yiri waxaan rabaa inaan Dameerkan sida dadka oo kale aan hadal u baro oo sidii binu aadamka oo kale u hadlo, mudo kadib arinkii ayaa waxaa maqley Boqorkii oo intuu Wasiirkiisa u wacey ayuu ku yiri Wasiir ma adigaa yiri in aad ka hadan shiineysid Dameer sida binu aadanka ? wasiirka ayaa ku jawaabey Haa waan ka hadashiin kara. Boqorkii ayaa ku jawaabey waxaan kuu qabtey Sadex sano oo hadii aad ka hada shiin weysid mudadas sadexda Sano in aan qoorta kaa jeraayo.
Mudo kadin ayaa wasiirkii wuxuu aadey Gurigiisa markuu Al-babka ka soo galey ayaa naagtiisa waxey ku tiri nin keygiyow maxaa kugu dhacey oo aad utiri Dameer ayaan ka hada shiinaa waa kan maanta naftada ayaad halis gelisey oo sadex sano kadib waa lagu dilaa ee maxaan Sameynaa ? ee caruurtii iyo aniguba dhib ayaad inoo keentey! Wasiirkii ayaa qosley oo wuxuu ku yiri Xaaskiisa Xaaskeygow waxaan rabaa inaan kuu sheego in anigu nafley aan ahay oo Boqorkuna uu nafley yahay xitaa dameerkuna uu nafley yahay ee sadex sano laga yaabo mid keena uusan gaarin amaba laga yaabaa inan Dameerka ka hadashiyo ee haka murgin.
Xaliimo ayaa markey dhegeysatey Jawaabta Max’med intey wejiga bedeshey u dhaqaaq dey dhankii Khadro oo Maxmedna intuu khadro u soo dhowaadey ayuu wuxuu ku yiri Khadroy Caawa ayaan kuu imaana ee ogow Khadro ayaa waxey tiri waan ku sugeyaa Max’med ayaa u dhaqaqey dhankii iyo xaafaduu degnaa si uu u soo qadeyo markuu soo qadeyey ayuu shaqadiisa ku soo laabtey oo mudo kadib ayuu intuu shaqadiisa Dhameystey ayuu wuxuu soo aadey Xafada uu degnaa intuu lebistey ayuu wuxuu soo aadey dhanka iyo Khadro gurigey degneed oo markuu xaafada yimid ayuu wuxuu la kulmey Khadro hooyaded iyo laba qof kale ay Albabka hortiisa Fadhiyaan intuu salamey ayuu wuxuu xoogaa la sheekeystey Khadro Hooyaded mudo kadib ayuu wuxuu u soo dhaqaaqey Gudaha guriga oo wuxuu garaacey Al-baabka oo furnaa Xaliimo ayaa waxey tiri soo gudub oo markuu gudaha galey ayuu wuxuu u gudbey Qolkii ay ku wada Sheekeysan jireen asagaa iyo Khadro.
QEYBTII SEDEX IYO TOBNAAD
Max’med ayaa Markuu qolka Soo galey oo wax yer fadhiyey waxaa u soo galey Khadro oo farxadii iyo dhoolacdentii aan ka muuqan wejigeeda oo markey u soo dhowatey ayaa Max’med intuu u istaagey Khadro Salaan u taagey oo gacanteeda intey faraha ku taabatey ayey dib ugala boodey oo Max’medna intuu yaabey ayuu wuxuu ku yiri ma Khadraa mise waa qof u eg midaan midigteyda moodaayow ma maanta inaad mug ii maceysid miyaa waxaanku moodaayey mataanteyda ma anigaa murugadan maalina filanayey marwadeyda inaad noqotid maankeyga dejisid, ma’anigaa moodaayey mid micnadaro ii musbaareysa khadrooy maxaad ka wadaa oo salaan aan kaa fileynin iyo waji aan kaa fileynin aa kaa muuqde ee maxaa dhacey? Max’med ayaa intuu Khadro gacanteeda soo qabtey uu halkuu taagnaa u soo jiidey ayuu yiri gacliso Maxaan kuugu sameyey oo sidaan kuu bedeley.
Khadro ayaa la soo boodey waxaa idhibaaya aragaaga ee iiga bax guriga inan ku arko ma doonaayo ee gurigeena iiga bax marlabaad. Max’med intuu Khadro labada Gacamood Soo qabtey ayuu wajigiisa uu wejigeeda saarey Max’med oo aad moodid inuu ku istaagey dab todobaad shidnaa ayuu wuxuu Khadro ku yiri ma ogtahay in aad daqiiqado ku baa’bi’ineysid mustaqbalkeyka oo aad nolosheydana ciriri gelineysid, waan ogahay oo waan dareensanaa in dadyow dabin kuu dhigayaan adna dabinka dacalada u heysid waxaan kaa codsaneyaa inaad is dejisid oo aad arinkan ka fekertid oo ha moodin wax lagu cayaaro jaceeylka waxaad rabtaa inaad sacado ku gooysid xarigii in muda ah aan xiraayey ee waxan ku leeyahay warkeyga maqal Dunidu waxaa lagu dhaqmaa samir ee maxaan kaa sameeyey oo aad go’aanka u gaaretey? Khadro ayaa durbadiiba waxay tiri cunta aadan rabin xoog laguma cuno ee hamigaaga iga saar waryaa, Max’med intuu dib u soo laabtey ayaa wuxu arkey mindi miiska saarneed intuu soo qaadey ayaa Khadro wuxuu ku yiri Khadrooy mindidaan qabo. markey qabatey ayuu ku yiri caloosha iiga geli khadroy, khadro intey ka sii jeesatey oo dhooolacadeysey waxeyna ku tiri maxaan kaaga geliyaa ?
Max’med ayaa la Soo boodey Caawa waxaa iidhaantey in aad mindi calosha iiga gelisid. ogow anigu kuma xumeyn ee wax waliba adiga ayey kaa yimaadeen oo waxaan rabaa inan kaa codsado oo weliba ii tixgelisid anigu gurigan adiga Dartaada ayaan u soo galey hadii adiga raali ka aheyn ma joogayo ee waxaan kaa codsaneyaa marlabaad anigu ma rabi inaan durbaba ku laabto meshan anoo faraxsan soo marey in aan murugo kumaro waagii hore waxaan guriga ku jiri jirey ilaa iyo laba sacadood ee waxaan rabaa mudadii mudo la mid ah in aan gudaha ku jirno xitaa ha’ila sheekeysan oo halkaas fariiso kadib markaan albaabka ka baxaayana waxaan rabaa inaad i sogootisid oo aad igeysid meshii aad igeyn jirtey oo waxaan rabaa inan dadku na dareemin, Khadro ayaa hadalkii ogolaatey oo waxey fariisatey sariir ka soo hor jeeda mesha Max’med uu fadhiyey mudo markey fadhiyeen ayaa oo abaarihii laba sacadood ayaa Max’med wuxuu Khadro kuyiri ina keen ee i sagooti?
