Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo isaga soo baxay Magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Jul 5, 2021 | 379 views

Waxaa maanta xaalad deganaan ah laga dareemayaa magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada Ammaanka iyo maleeshiyaad u wato janeraal Xuud oo kasoo horjeeda Wasiirada tegay Magaalada Beledweyne.

Wararaka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaar kamid ah Golaha wasiirada Hir-Shabeelle ee malin ka hor tegay Beledweyne ay isaga soo baxeen, kuwaas oo ay kamid yihiin, Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle &  Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maxamed Cumar Ceeymooy.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda ay wasiiro kale isaga soo bixi doonaan magaalada Beledweyne, iyada oo Isu-socodka dadka iyo gaadiidka &  goobaha Ganacsiga iyo wax barashada ay Maanta si caadi ah u furan yihiin.

Ciidamada uu wato janeraal Xuud ayaa haatan ku sugan degaanka Cel-gaal ee duleedka Beledweyne halka Ciidamada dowladda ay u sugan yihiin Deegaanka Bannaaneey oo dhaca duleedka waqooyi ee Magaalada Beledweyne, iyada oo ay socdaan dadaalo looga hortagayo inay dagaalamaan.

Like it? Share it!

Leave A Response