Ciidamada dowladda Soomaaliya oo degaano dhowr ah la wareegay

by admin | Tuesday, Jun 15, 2021 | 275 views

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Cciidanka xoogga dalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Degaanada Macalinka, Sabriye ,Balod, Binaanka-Balow, moordiinle, iyo Ciise Lugoole, oo kala hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdulaahi Mustaf Cali (Madaale Qaran) oo howlgalka hoggaaminayo ayaa sheegay in Ciidamada ay dhamaan ay Al-Shabaab kala wareegeen degaannadii ay howlgalka ka sameeyeen.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka ay ku dileen lix Cubnood oo ka tirsan Al-Shabaab , isla markaana Ciidamada ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa degaannada Shabeellaha Hoose ay ka saaraan Al-Shabaab.
Howlgallada Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay inay ka qeyb ka yihiin kuwa ka socda guud ahaan dalka, kaas oo looga soo horjeedo Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ku qaado Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response