Asalka warka wargeysyada Kenya ay maanta ka qoreen NISA iyo halka laga keenay been abuurkooda{AKHRISO}

by admin | Saturday, Apr 18, 2020 | 665 views

Laba ka mid ah wargeysyada dalka Kenya ayaa maanta qoray inay heleen wax loogu yeeray warbixin sir ah, oo muujineysa “xiriir” ka dhaxeeya madaxda sare ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA iyo hoggaanka kooxda Al-Shabaab.

Waregysyadan – The Standard iyo The Star – ayaa caddeyntood ugu weyn ah “Jeeg” lacageed oo gaaraya 1.5 milyan oo dollar, oo ay sheegeen in taliye ku-xigeenka NISA Cabdullaahi Kulane uu u diray Al-Shabaab. Waxa soo bandhigeen warqad ay ku sheegeen inay tahay Jeegga.

Hase yeeshee, ma qaadan waqti fog inaan muddo kooban ku ogaanno xaqiiqda warbixinada labada wargeys iyo inay yihiin been cad oo la dhoodhoobay, oo lagu sumcad dilayo NISA, islamarkaana sare loogu qaadayo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

The Standard iyo The Star waxay sheegeen inay xogtan ka heleen saraakiisha dowladda Kenya, balse warbixintooda oo dhan waxaa saldhig u ahayd bogga facebook ee lagu magacaabo Mudaaharaadka 7 of February, oo ah bog lagu mucaarado dowladda Soomaaliya, laguna aflagaadeeyo madaxda sare ee  dalka.

Warqadda la leeyahay waa Jeeg lacageed, oo kasoo baxay xawaaladda TAAJ, lagana helay saraakiisha dowladda Kenya, ayaa xaqiiqdii ah warqad boggan facebook lasoo dhigay 11-kii April, taasi oo qeyb ka ahayd fariin qoraal WhatsApp oo la sheegay inuu dhex-maray Cabdullaahi Kulane iyo sarkaal Shabaab ah oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Filo.

Waxaa yaab leh in warqad laga soo qaaday bog facebook oo ujeedkiisa cad yahay, ay wargeyso waa weyn ku sheegaan in laga helay dowladda Kenya.

Boggan facebook ayaa sidoo kale 8-dii April daabacay nuqullada fariin qoraal WhatsApp, oo la leeyahay waxa uu dhex maray Cabdullaahi Kulane iyo Sheekh Cabdiraxmaan Filo.

Jay Bahadur, oo ah madaxii hore ee kooxda kormeerka QM ee Soomaaliya iyo Eritre ee UN Monitoring Group, ayaa sheegay in waxyaabaha is-diidaya ee ka muuqda “Jeegga” ay ka mid tahay inuu ku taariikheysan yahay 25-ka March, balse WhatsApp-ka Sheekh Cabdiraxmaan Filo ee copy-ga Jeegga sawirkiisa lagu diray, ku qoran tahay in markii ugu dmabeysay ee la isticmaalay ay ahayd 19-ka March.

Jay Bahadur waxa uu sidoo kale sheegay in number-ka WhatsApp ee la sheegay inuu leeyahay Cabdiraxmaan Filo uu weli yahay mid shaqeynaya oo markii la waco ay qabaneyso gabar Soomaaliyeed. Halka Bogga Mudaaharaadka 7 of February uu sheegay in taleefonka lagu soo qabtay howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa sidoo kale aragtay in warqadda lahgu sheegay Jeegga ay ku qoran tahay la daabacay 10:13 PM oo habeenimo, taasi oo dhalineysa su’aasha ah in xafiisyada TAAJ ay shaqeeyaan xiligaas?

Sidoo kale, waxaa Caasimada Online warqadda uga muuqda, inkasta oo wargeysyada Kenya ku sheegeen in Jeegga uu yahay 1.5 milyan oo dollar, haddana markaad u fiirsato tirada numberada xisaabeed, xaqiiqdii waa 15 milyan oo dollar, sababtoo wuxuu u qoran yahay sidan, 1,5000,000, taasi oo muujineysa in wax qof abuuray ay tahay. Xitaa miisaaniyadda NISA ee sanadkii oo dhan ayaanba dhameyn 15 milyan iyo wax u dhow.

Bahaduur ayaa sidoo kale sheegay in caqliga uu diidayo in lacag intaas le’eg oo ah hal milyan iyo bar dollar la mariyo xawaalad, iyo kaaga sii daran’e in sarkaal sare sirdoon, oo weliba xlkiisa sidaas u sarreeyo uu magaciisa rasmiga ah ku qoro Jeeg uu u dirarayo Al-Shabaab.

Waxa kaliya ee halkan ka muuqda ayaa ah isku day lagu sumcad dilayo NISA, qorshihii la doonaba ha laga lahaadee iyo dadaal lagu sii hurinayo xiisadda ka dhex -oogan Soomaaliya iyo Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response