Al-Shabaab oo billaabay in ay afduubtaan khubarada iyo ujeedada ka dambeysa

by admin | Monday, Apr 13, 2020 | 583 views

Kooxda Al-Shabaab ayaa sare u qaadday afduubka ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, ayada oo beegsaneysa xirfadlayaal wax u tari kara iyo shakhsiyaad ay ka heli karto xog sirdoon, waxaa sidaas weriye wargeyska Daily Nation.

Xirfadlayaasha ku nool magaalada Mandera ayaa tani walaac xooggan ay ku abuurtay. Dadka ay beegsaneyso Al-Shabaab waxaa ku jira khubarada caafimaadka, macallimiinta iyo saraakiisha amniga.

Ugu yaraan 11 qof oo ah aqoonyahanno dhinacyo kala duwan ah ayey Al-Shabaab ka afduubatay Mandera, sanadkii tegay oo kaliya, sida ku cad xog amni oo uu helay wargeyska Daily Nation.

“Waxaan haynaa akhbaar muujineysa in Al-Shabaab ay daneyneyso inay afduubato saraakiisha caafimaad iyo macallimiinta, si ay ugu isticmaasho deegaanada ay maamusho ee gudaha Soomaaliya,” waxaa sidaas yiri sarkaal amni oo ku sugan magaalada Mandera.

Sida uu sheegay sarkaalkan, A-Shabaab ayaa inta badan beegsaneysa dadka aan u dhalan deegaanka, ayada oo rumeysan inay yihiin kuwo dhego nugul, marka la geeyo deegaanda ay maamusho.

Julius Mwania oo ahaa makaanik baabuurta sameeya, ayaa noqday dhibanihii ugu dambeeyey ee afduubyada Al-Shabaab. Waxaa la waayey bil ka hor.

Mwania ayaa waxaa la afduubtay 11-kii Maarso, markii koox hubeysan ay jidka u galeen gaari ku socday Mandera oo ka yimid Nairobi, xilli uu marayey deegaanka Bambo ee Waqooyiga Mandera.

Shantii Janaayo, Al-Shabaab ayaa sidoo kale weerartay xaafadda Fino ee ka tirsan county-ga Mandera, halkaasi oo ay ka qafaasheen shan qof.

Al-Shabaab ayaa markii dambe sii daysay afar ka mid ah dadkaas, balse waxay la tageen nin lagu magacaabo Maxamed Salaat. Maxamed ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa nin xog ogaal u ah howl-gallada amni ee gobolka.

Afduubyada Al-Shabaab ayaa dad badan ku qasbay inay deegaanka ka cararaan.

Kalkaaliye caafimaad oo ka shaqeeya Isbitalka Mandera County Referral Hospital ayaa 17-kii April 2019 ka baxsaday isku day afduub kadib markii la ogaaday in koox ay raadineysay.

Ninkaas ayaa la shaqeyn jiray dhaqaatiirta Cuban-ka ah ee Al-Shabaab ay qafaasheen. Warbixin boolis ayaa muujisay in Shabaab ay doonayeen in ninkaas uu u noqdo tarjumaan. Dhaqaatiirta Cuban-ka ayaa la qafaashay 12-kii April 2019.

Dhammaan dadka khubarada ku ah dhinacyada kala duwaan ayaa la sheegay in Shabaab ay u adeegsaneyso inay ka howl-galaan isbitaalada, iskuulada iyo xarumaha kale ee ku yaalla deegaanada ay maamusho.

Like it? Share it!

Leave A Response