Dowladda oo soo saartey digniin ku socota Ganacsatada

by admin | Sunday, Apr 12, 2020 | 753 views

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli wadaa qorshooyin dhowr ah oo looga hortagayo faafida Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya iy inaysan qorshahaas saameyn ku yeelan dadka Soomaaliyeed.

Kulamo saacadihii la soo dhaafay dhacay ayaa looga hadley sidii loo soo saari lahaa Go’aamo looga hortagayo faafida Cudurka Corona,iyada oo aan cunaqabateyn la saarin Shacabka danta yar ee ku nool Muqdisho iyo Guud ahaan dalka Soomaaliya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis oo faah faahin ka bixinayey kulan ay yeesheen Wasaaradda Diinta & Awqaafta iyo Culimada Soomaaliya ayaa soo saarey digniin ku socota Ganacsatada Soomaaliyeed.

Waxaa uu shegay Agaasimaha in Ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay inaysan kor u qaadin maciishada noocyadeeda kala duwan,iyaga oo ka faa’iideysanaya ka hortegida Cudurka COVID 19.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay Culimada Soomaaliyeed wacyigelin ka sameeyaan arintaan hadii Ganacsatada u hogagansami waayaana laga qaado tallaabada ku haboon.

Like it? Share it!

Leave A Response