Madaxweyne Qoor Qoor oo kusii jeeda Xeraale

by admin | Saturday, Apr 4, 2020 | 512 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug , Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa safar xagga Dhulka ah ku tagay degaannada Huurshe iyo Xeraale ee Gobolka Galgaduud.

Ujeedka Safarka Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii kal hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xasan Cali Kheyre kala dhex dhigay Odayaasha dhaqanka ee degaannada Xeraale iyo Huurshe.

Inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Xeeraale iyo Huurshe ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada , isagoo kala sheekeysan doona halka marayso xaaladda guud , waxaana sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo degaanno kale oo ku yaalla Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response