Maxaabiis ka tirsan Daacish oo Xabsi ka baxsatay.

by admin | Monday, Mar 30, 2020 | 558 views

Maxaabiis ka tirsan Maleeshiyadda Daacish ayaa la sheegay in ay gadood ka sameeyeen Xabsi ku yaalla Waqooyi Bari ee dalka Syria, iyagoo u itaal sheegtay Ciiddankii Ilaaladda ka ahaa Xabsigaasi.

Tiro ka mid ah Maxaabiistaasi ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen Xabsiga, mana kala cadda dalalka ay ka soo kala jeedaan maxaabiistaan.

Afhayeenka Ciiddanka Kurdishka ee Dimuqraadiyadda Syria ee SDF , Mustafa Baali ayaa sheegay in ay Ciiddankooda dib gacanta ugu dhigeen Kontoroolka Xabsigaasi oo ku yaalla Gobalka Hasakeh ee W/bari ee dalka Syria.

12 ka mid ah 22-ka Maxaabiista baxsatay ayaa la sheegay in dib loo soo qabtay, laguna celiyey Xabsiga ay ka baxsadeen ee Geweran Prison.

Mid ka mid ah Ciiddanka SDF ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa sheegay in ay Maxaabiistaasi xalay jebsadeen Derbiyada u dhexeeya qolalka ay ku xirnaayen, iyadoo ay qaar ka mid ah u suurto-gashay inay baxsadaan.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan kala caddayn tirada Maxaabiista ka baxsatay Xabsiga “Geweran Prison”.

Ciiddanka Kurdishka ee SDF oo taageero ka hela Isbahaysiga Maraykanka waxay gacanta ku hayaan dhowr Xabsi oo ay ku xiran 10,000 oo Maxaabiis ka tirsanaa Kooxda Daacish, waxaana badankood ka soo jeedaan qaarada Yurub.

Like it? Share it!

Leave A Response