Kiisaska Covid-19 ee Mareykanka ayaa gaaraysa 100,000; Talyaaniga 24 saac gudahood waxa dhintay 919 qof.

by admin | Saturday, Mar 28, 2020 | 541 views

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka ‘coronavirus’ ee dalka Mareykanka ayaa kor u dhaaftay 104,000 subaxnimadii Sabtida, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaaftay 1,700, taasoo ku kalifaysa dhimashada adduunka in ay gaareyso 27,360 qof.

Dhanka kale, Talyaanigu, wuxuu shaaciyay 919 dhimasho oo cusub oo Covid-19 waana tiradii ugu badneyd ee ku dhimata caalamka 24 saac gudahood tan iyo markii uu dillaacay badayaaqadii sanadkii hore ee 2019.

Tirada guud ee dadka u dhintey COVID-19 gudaha Talyaaniga waxa ay hadda gaaraysaa 9,134. Tirada kiisaska ayaa sidoo kale sii kordheysa, iyada oo dowladda wadankaasi xaqiijisay in kabadan 86,000.

Intaasi waxaa dheer, Spain waxa ay diiwaan gelisay 769 dhimasho oo cusub maalin gudaheed, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 4,858. Laga soo bilaabo Sabtidii hore, tirada dhimashadu waxa ay kor u dhaaftay 5,000.

Shiinaha, tirada kiisaska ka imanaya dibedda ayaa sii kordhaya, laakiin ma jiraan kiisas cusub oo dalka gudihiisa laga soo sheegay sida laga soo xigtay guddiga sare ee Caafimaadka Dalweynaha Shiinaha.

Adduunka oo dhan, ayaa kiisasku waxa ay gaareen in ka badan 597,000, kuwaas oo in ka badan 131,000 ay soo kabsadeen xanuunka waxaana dhimashadu kor u dhaaftay  27,360 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response