Somaliland oo aan qeyb ka aheyn qorshaha deynta cafinta Soomaaliya{Akhriso}

by admin | Saturday, Mar 28, 2020 | 715 views

Dokumentiga ka soo baxay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ee ku saabsan barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya waxaa ku cad in Somaliland aysan ka mid ahayn Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Warbixin kasoo baxday Hay’adda lacagta Adduunka ayaa muujisay in Somaliland aysan qeyb ka aheyn qorshaha deynta Cafinta Soomaaliya, islamarkaana labo qeybood loo kala qeybiyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Maxamed Maxamuud Culusow oo ah dhaqaalayahan, islamarkaana horay Gudoomiye uga soo noqday Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa caddeeyay in Somaliland iyo Soomaaliya ay noqdeen labo dowladeed sidda ka muuqata Warbixinta IMF.

“Dokumentiga hay’adda lacagta Adduunka (IMF) ee ku saabsan barnaamijka deyn dhimista (deyn cafinta) waxay caddeynayaan in Dowladda federaalka Soomaaliya aysan matalin Somaliland” ayuu yiri Prof Culusow

Waxaa uu intaasi kusii daray “Sidaa darted, Dowladda Federaalka waxay aqoonsatay in Somaliland aysan ka mid aheyn Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan rajeynaya in shacabka soomaaliyeed la socdo arrintaas oo aan berri la dhihin lama socon”

 

Like it? Share it!

Leave A Response