Puntland oo maanta dhaqangalinaysa Amarkii Joojinta Qaadka

by admin | Saturday, Mar 28, 2020 | 674 views

Maamulka Puntland ayaa maanta lagu waddaa in ay dhaqangalinayso Amar kasoo baxay kaasoo ahaa in guud ahaan Puntland ay xirto Xuduudaha ay la wadaagto dowlad degaanka Somaalida iyo Somaliland.

Puntland ayaa maanta sidoo kale lagu waddaa in ay joojiso qaadka ka yimaada dalka Itoobiya oo soo mara dhanka dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Xuduudaha maamulka Puntland ayaa maanta waxaa gaaray Ciidamo dheeraad ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, ayaa shaacisay In laga bilaabo lixda Makhribnimo ee maanta in ay xiran yihiin dhammaan Xuduudaha Puntland la wadaagto Somaliland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida DDS.

Like it? Share it!

Leave A Response