Waa kuma Qofka Ajnabiga ah ee ku sugan Muqdisho lagana helay COVID 19?{AKHRISO}

by admin | Friday, Mar 27, 2020 | 563 views

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in qof kamid ah Shaqaalahooda oo qandaraasle ganacsade ah laga helay coronavirus (COVID-19),kaas oo ku sugan Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Qaramada Midoobey ayaa waxaa lagu sheegay in qofkaas la karantiiley siddeed maalmood ka hor baaritaan la sameeyey laga helay Cudurka,baaritaankaasna loo marsiiyey si loola socdo dhaq dhaqaaqiisa.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si dhab ah u qaadeysaa COVID-19 Faafida adduunka si dhab ah usbuucyadii la soo dhaafayna, waxay diyaarisay hawlgallo, caafimaad iyo nidaamyo taageero oo ah suurtagalnimada in sidan oo kale ay dhacdo. Ahmiyadeena ayaa ah inaan daryeelo qandaraaslaha iyo inaan ka hortagno faafitaan kale oo fayras ah.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay, iyada oo loo sii marinayo xafiiska maxalliga ah ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta Soomaaliya sidii loo diyaarin lahaa nidaamyada caafimaad ee dalka si loo xakameeyo loona yareeyo wax kasta oo faafaya Cudurka COVID 19.

War-Saxaafadeedka kasoo baxey QM ayaa waxaa uu daba socdaa,kadib saacado ka hor markii Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ay shaacisey in qof qaba Cudurka Coronavirus laga helay Gudaha xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho o ay degan yihiin hay’adaha UN-ka.

Like it? Share it!

Leave A Response