Taliska Ciidanka xooga oo Guulo ka sheegtey dagaal ay la galeen Al-Shabaab

by admin | Thursday, Mar 26, 2020 | 590 views

Taliska Ciidanka xoogga dalka qeybta 60aad ayaa guulo ka sheegtey dagaal ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Deeyduunaay oo kamid ah deegaannada hoostaga Magaalada Baydhabo,kadib markii deegaankaasi ay weerar ku qaadeen Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo gaareey deegaanka Deeynuunaay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in Al-Shabaab ka dileen ku dhawaad 12 Xubnood sidoo kalana laga dhawaacay tiro intaasi kabadan.

Ugu dambeyn waxaa uu xusay in ciidanka xoogga dalka ay ka war qabeen weerarka,isla markaana iyagoo kafeejigan ay ka hortageen haatana ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay deegaannada Gobolka Baay uga saarayaan Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno deegaanka deeynuunaay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidanka dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Like it? Share it!

Leave A Response