Madaxweyne Deni oo muddo todobaad ku dhow safar aan la shaacin ku jooga degmada taariikhiga ee Eyl

by admin | Wednesday, Mar 25, 2020 | 618 views

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni , ayaa safar aan la shaacin wuxuu muddo todobaad ku dhow ku joogaa magaalada xeebeedka qadiimiga ee Eyl ee kutaala badweynta Hindia.

Madaxweyne Den, ma jirto cid katirsan golayaasha maamulkiisa iyo warbaahinta madaxtooyada oo ku wehliya socdaalkiisa, taasoo keentay inay yaraato xogta iyo macluumaadka socdaalkiisa ku saabsan.

Xogta aan helayno waxay sheegaysaa in madaxweyne Deni halkaas uu ku joogo safar dalxiis ah oo uu kaga nasanayo arrimaha siyaasada sidoo kalena uu isku diyaarinayo safar dheer oo uu ku tagidoono Muqdisho iyo caasimaddaha dowlad goboleedyada isagoo u gogol xaaraya gogol dib u heshiineed uu dhigay Garowe.

Qof katirsan dadka Eyl ku sugan  ayaa u sheegay   shabakada reegaay,com  in madaxweynuhu halkaas kula kulmay maraakiib dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Nato ee xeebaha Soomaaliya u jooga la dagaalanka burcadbadeeda.

wax xog ah oo dheeraad ah kama helin Kulankaas, , hase yeeshee waxaa horey u jirtay in dadka ku dhaqanka xeebaha Puntland ay ka cabanayeen in maraakiibta shisheeye ay xaaluf ba’an ku hayeen kheyraadka badda.

Like it? Share it!

Leave A Response