Kooxn Hubeeysan Oo Duleedka Mandheera ka afduubay 25 qof Oo Shaqaale ah

0
231

Ugu yaraan 25-qof oo shaqaale Kenyaan ah ayay ka afduubeen manta kooxo hubeysan duleedka degmada Mandheera xilli ay dadkaas ku socdeen Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha degmada Mandheera oo qadka Taleefanka kula hadlayay Wargeyska The “Standard” ayaa shaaca ka qaaday in kooxo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan Al-shabaab 25-Qof ka afduubteen maanta oo Axad ah degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in kooxahan afduubka geystay ka soo talaabeen sohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ka hor,waxayna dadka la afduubtay ku safrayeen bas yar ka hor intaan la afduuban.

“Dableyda afduubka geysatay waxaan u maleynayaa inay Al-shabaab ka tirsan yihiin,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Mandheera Olex Ole Nkoyo, isagoo intaas ku daray in dableydu ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaarigii ay shaqaalahan la socdeen oo ka yimid Arabia.

Olex ayaa xusay in saacado kaddib ay kooxahan hubeysan dadka soo daayeen, inkastoo ay ka qaateen buu yiri wixii ay wateen oo dhan sida; taleefoonnada gacanta, kaarar aqoonsi iyo lacago aanu cadadkeeda sheegin.

“Kooxaha hubeysan waxay dadkaan ka afduubeen duhurnimadii maanta inta u dhexeysa degmada Mandheera iyo Arabia, tiradoodu waxay ahayd 25-qof, kuwaasoo ahaa shaqaale kuna soo jeeday degmada Mandheera iyagoo ka yimid deegaanka Arabia, waxayna la adeen kooxaha afduubka geystay dhinaca soohdinta, balse saaacado kaddib ay sii daayeen kaddib markii ay baarteen,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha Mandheera.

Mar aanu la xiriirnay Darawalkii waday Gaariga la af duubtay ayaa wuxuu noo sheegay in Gaariga ay dableeyda hubeeysan ay ku qafaasheen wadada Arabia iyo Mandheera u dhaxeysa, “hada Gaariga waxaan uugu daba tagnay, xuduuda aay wadagaan Somalia iyo Kenya wanna soo celinay isagoo bad qaba oo wadada aay uugu tageen Dableeyda, hada dadkii rakaabka ahaa waa xor, gaariga na waan haysanaa laakin waxaa ilaa iyo hada maqan kaaraka aqoonsiga Kenya oo aay rakaabka siteen” , ayu yiri Darawalka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad laga soo afduubto sohdinta dhulka Soomaalida ay degto ee ka tirsan dalka Kenya.
Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan afduubka looga soo af-duubay duleedka degmada Mandheera 22-qof oo shaqaale ah oo ay mar dambe sii daayeen iyagoo bad-qaba.