Ku dhawaad boqol ruux oo Soomaaliya waxa ay kasoo laabteen dalka Yemen.

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 640 views

Magaalada Cadan ee dalka Yemen waxaa kasoo shareecatay Doon ay saaran yihiin 88-ruux oo Soomaali ah kuwaas oo muddooyinkii dambe ku noolaa Dalka Yemen.

Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA ayaa daabacday in dadkaan Soomaalida ah laga soo ambabixiyay Magaalada Cadan, kadib markii laga gacansiiyay sahayda iyo waxyaabaha kale ay u baahan yihiinta inta ay ku guda jiraan biyaha Yemen iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Yemen ayaa wakaaladda u sheegay in qoysaska ay u dulqaadan waayeen xaaladda adag ee ka jirta Magaalada Cadan oo ay kuwada sugan yihiin dhinacyo iska soo horjeeda.

“88 Ruux oo Soomaali ah ayaa kasoo safray Magaalada Cadan, waxa ay soo aadeen Soomaaliya iyaga oo kasoo gudbaya Badda Cas, si wanaagsan ayaa loosoo ambabixiyay, waxaana u rajeyneynaa in ay nabad ku laabtaan kuna helaan dalkooda” sidaasi waxaa yiri Mas’uul katirsan Dowladda Yemen oo Warbaahinta la hadlay.

Saraakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Adduunka ee loosoo gaabiyo IOM waxa ay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay diiwaangeliyeen Soomaalida dooneysa in si iskood ah ay dalkooda dib ugu laabtaan, iyada oo aysan jirin wax qasbid ah.

Tan iyo sanadkii 2015-kii, biyaha u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya waxaa si maalinle ah isaga kala gudbayay Soomaalida iyo Yemeniyiinta oo dhanba dhanka kale u arka in uu ka xasiloon yahay, kana nolol wanaagsan yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response