Taliska Ciidanka xoogga oo ka hadlay Shaqaaqo dad lagu diley

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 529 views

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Guddoomiye kuxigeenka Siyaasada & Maaliyada Gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Cabdulle oo ay wehlinayaan Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 27aad Janeraal Saalax Yacquub ayaa waxaa ay gaareen deegaanka Feefeer,halkaas oo deegaan duleedka ka ah dhawaan lagu diley Sddex qof oo Beeraley aheyd.

U jeedada socdaalka mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ay tahay sidii Maamulka Degmada feer feer iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ilaaliyo Xaduudka Soomaaliya iyo Itoobiya ugala hadli lahayeen sidii wax looga qaban lahaa Nabad gelayada degaanada ku dhow Xaduudka iyo sidii loo soo qaban lahaa shaqsiyaad 14 Bishaan Nawaaxiga Deegaanka ilan Guud ku Dilay 3 Qof oo Beeraley aheyd, ku waas oo u baxsadey markii falkaasi dilka ah ay geysteen dhanka Xadka Itoobiya.

Abaan duulaha Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 27aad Janeraal Saalax yacquub ayaa sheegay in Madaxada is Maamulka Somaalida Itoobiya ee Degmada feer feer iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay is ku Afgarteen ilaalinta Nabad Gelyada Deegaanada ku dhow Xadka iyo in Mudo 15 Maalin Gudohood ah lagu soo qabto shaqsiyaadkii dilkaasi geystay sharcigana la marsiiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response