Taliska Ciidanka xooga oo War kasoo saarey la wareegitaanka Janaale

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 822 views

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay ciidanka xoogga in degaanka janaale ay sibuuxda ula wareegen kadib markii ciidanka ay dhoowr jiho kagaleen degaankaasi islamarkaana Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Taliyaha oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa tilmaamay in haatan uu nabad degaankaasi yahay mid wanagsan,isla markaana Ciidamada ay ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ugu dambeeyay Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ugu baaqay shacabkii degaanka inay kusoo laabtaan guryahooda,kuwaas oo cabsi dagaal darteed uga barakacay.

Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddo ka badan 10 sano Gacanta ku haayey Al-Shabaab,hayeeshee ugu dambeyn ay soo gashay gacanta dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response