Sababta Diyaaradda Turkish Airlines u joojisay duullimaadyadii Muqdisho?{Akhriso:-}

by admin | Tuesday, Mar 17, 2020 | 837 views

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ee laga leyahay Dalka Turkiga ayaa shaacisey inay joojisey duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Istanbuul sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisey in muddo todobaad ah ay hakin doonaan duulimaadyadii Muqdisho ilaa Istanbuul,go’aankaasna uu noqonayo mid dhaqan galaya.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in lagu aqbalay go’aankii shalay ee Wasaaradda Gaadiidka & duulista Hawada ee Xukuumadda Somaaliya ay ku sheegtay inay hakineyso duulimaadyada Caalamiga ah ee yimaada Soomaaliya iyo ku ka baxa.

Sidoo kale qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in iyada oo laga Shaqeynayo sidii looga horetgi lahaa loona xakameyn lahaa Caabuqa Coronavirus,isla markaana Maanta oo ku beegan 17 Bisha Maarso duulimaadkii ugu dambeeyey ay uga baxeyso Diyaaradda Turkish Airlines Magaalada Muqdisho.

Dowlado badan oo Caalamka ah ayaa joojiyey duulimaadyo ay diyaaradahooda ku tegi jireen wadamo badan sidoo kale in la soo galo dalkooda,kadib markii uu kordhey Cudurka Coronavirus oo wadmo badan ka dilaacey.

Like it? Share it!

Leave A Response