Mid ka mid ah cayaartoyda kooxda Juventus oo laga helay cudurka Coronavirus

by admin | Thursday, Mar 12, 2020 | 1078 views

Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa ku dhowaaqday in daafac dambeedka dhexe ee kooxdaas iyo xulka qaranka Talyaaniga Daniele Rugani laga helay cudurka CoronaVirus.

Kooxda Seria A-da ayaa sheegtay “inay ku dhaqaaqeyso dhammaan xeerarka go’doominta ee sharcigu dhigayo” oo lagu sameynayo dhammaan dadkii uu xiriirka la sameeyey Rugani.

Juventus ayaa sheegtay in Rugani oo 25 jir ah “aan hadda lagu arag” astaamaha cudurka.

Dhammaan cayaaraha Talyaaniga ayaa la hakiyey ilaa 3-da April ayada oo dalka oo dhan la geliyey xanibaad, sababo la xiriira dillaaca cudurka CoronaVirus.

Valueimpression Placeholder

Rugani ayaa xilli cayaareedkan u saftay Juventus toddoba kulan oo kaliya, waxaana kulankii ugu dambeeyey ee ay kooxdiisa 2-0 kaga adkaatay Inter Milan uu fadhiyey kursiga keydka.

Waxa uu Juventus kula guuleystay afar horyaal oo Serie A ah, wuxuuna toddoba kulan u saftay xulka qaranka Talkyaaniga, isaga oo kulankii ugu dambeeyey saftay 2018.

Dowladda Talyaaniga ayaa Arbacadii ku dhwoaaqday tallaabooyin dheeri ah oo lagu xakameynayo fiditaanka cudurka, waxaana ka mid ah in la xiray dhammaan dukaamada marka laga reebo kuwa cuntada iyo farmashiyayaasha.

Dalka Talyaaniga waxaa laga xaqiijiyey in ka badan 12,000 oo kiis cudurka CoronaVirus ah, waxaana dhimashada ay mareysaa 827 qof.

Like it? Share it!

Leave A Response