Garowe: Dhalinyaro Aroos kasoo laabtay oo ku geeriyooday shil gaari

by admin | Saturday, Dec 28, 2019 | 730 views

Afar dhalinyaro ah oo saddex kamid ah dumar yihiin ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay saqdii dhexe  ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Waxaa sidoo kale shilkaan ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii qeybta booliiska gobolka Nugaal, Cismaan Maxamuud Buraale, kaasoo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Garowe.

Taliyaha taraafikada gobolka Nugaal, Kornayl Ismaaciil Xirsi Shirwac (Qabaal) ayaa Hiiraan Online u sheegay in shilku ka dhacay agagaarka tuulada 22-aad oo hoos taga magaalada Garowe.

Xilliga uu shilku dhacayay oo ahayd labadii habeenimo ee saqdhexe ayay dhalinayaradu kasoo laabteen aroos baadiye oo ay ka qeyb galeen, waxaana la rogmaday gaadhi nuuca raaxada oo ay wateen.

Dadka dhintay ayaa maydkoodii haatan yaaliin isbitaalka Garowe, halkaas oo ay haatan ku xoonsan yihiin dadweyne badan oo isugu jira qoysaskooda iyo axsaabtooda.

 

Like it? Share it!

Leave A Response