Ciidamada AMISOM oo banaanbaxayaal rasaaseeyey & khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Dec 3, 2019 | 665 views

Wararka laga helayo degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ka dhashay rasaas ay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ku rideen dad banaanbax ka dhigayay degmadaas.

Dadka la rasaaseeyey ayaa waxaa ay ku dibad baxayeen mid kamid ah Xarumaha AMISOM gaar ahaan Hotelka Camalow,waxana dad ku sugan degmadaas ay sheegeen in rasaasta lagu furay uu ku geeriyooday hal ruux laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacantay ayaa dhamaantood waxaa ay kamid ahaayeen dadka ku nool Buulo-Burde,kuwaas oo kasoo horjeeday wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la sheegay in uu ku wajahan yahay degmadaas.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa Magaalada Buulo Burde,waxaana banaanbaxayaasha ay xirteen wadooyinka waaweyn ee degmadaas,iyada oo inta badan ay Maanta xiran yihiin Goobaha Ganacsiga ee degmada Buulo-Burde.

Madaxda Sare ee Maamulka Hir-Shabeelle weli kama hadlin dhibaatooyinka Maanta ka jira degmada Buulo-Burde,waxana qeybaha kala duwan ee Bulshada degmada iyo Odayaasha Dhaqanka ay kasoo horjeesteen Maamulka Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response