Ereteria oo shaacisay in Qatar maleegayso kacdoono ka dhan ah dalkeeda

by admin | Thursday, Nov 28, 2019 | 807 views

Dowladda Ereteriya ayaa maanta ku dhawaaqday eedeymo ka dhan ah dowladda Qatar, iyadoo ku eedeysay inay ka shaqeynayso degenaansho la’aanta dalkeeda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Ereteria ayaa lagu sheegay in dowladda Qadar ay wado xeelad diimeed, mid siyaasadeed iyo taariikhi ah si loo gaaro hadafkeeda khalkhalgelinta Eritrea.
Ereteria ayaa 10 qodob kusoo koobtay eedeymaha Dooxa, waxayna kala yihiin sidatan;

1.In dib loo abaabulo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka Ereteriya; in la mideeyo ururadooda isla markaana taageero dheeri ah u fidiyo kuwa dambe;

2.In si gaar ah diiradda la saaro dhalinyarada reer Eritrea; mideeyaan ururadooda kuna dhiirigeliyaan inay ku kacaan ficillo fallaago oo ka dhan ah dawladda Ereteriya;

3.In la abuuro xagjirnimada diineed ee kooxaha Islaamiyiinta mucaaradka ah ee Ereteriya isla markaana ay ku kiciyaan kacdoonka muslimiinta Ereteriya ee ka soo horjeedda dalkooda.

4.In Ereteria lagu beero nacaybka qowmiyadaha iyo nacaybka ka dhex jira dadka reer Eritrea;

5.In la bilaabo dadaallo lagu kicinayo mudaaharaadyo iyo bannaanbaxyo ka dhacaya magaalooyinka Ereteriya, kuwaas oo looga soo horjeedo Dowladda;

6.In dalka Sudan lagu tababaro xubnaha mucaaradka ee ka shaqeynaya weerarada gaadmada ah iyo dilalka saraakiisha sare ee dawladda; si loo fududeeyo dhexgalka gudaha Eritrea oo ay u fushadaan danahooda gaarka ah;

7.In la dilo hoggaamiyeyaasha saameynta leh ee Ereteriya;

8.Inay ku kacaan falalka carqaladaynta dhaqaalaha ee Ereteriya;

9.In la xoojiyo dacaayadda cadaawada ah;

10. In la shaaciyo xadgudubka xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka Ereteriya, iyadoo loo gudbinayo ururada caalamiga ah iyo dalal shisheeye.

Wasaaradda warfaafinta Ereteria ayaa sheegtay qodobadaan inay yihiin kuwo kooban, balse waxay tilmaamtay Qatar iyo maalgaliyayaasheeda aan la magacaabin inay raadinayaan fursad ay ku carqaladeeyaan dalkooda

Like it? Share it!

Leave A Response