NISA oo soo bandhigtay Nin sheegay in uu ka dambeeyey qaraxii Shalay

by admin | Sunday, Nov 24, 2019 | 717 views

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay kusoo bandhigtay Nin sheegay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab,isla markaana ka dambeeyey qarax gaari lagu xiray oo shalay ka dhacay agagaarka Isgoyska 14-ka Octoober Ex Soobe ee Magaalada Muqdisho.

NISA ayaa Barta Twitter-ka kusoo bandhigtay Muuqaalka Xudeyfa Daa’uud Yuusuf,kaas oo sheegay in uu ka yimid hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenleey,isla markaana Gaari yaalla agagaarka Isgoyska Soobe uu qaraxa ku xiray.

Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, katirsan qaybta qaraxyada AS, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka isgoyska Zoobe ayaa lagu yiri”Qoraal lagu daabacay Twitter-ka NISA.

Dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin shaqsiga lahaa Gaariga qaraxa lagu xiray qaraxa uu gebi ahaan burburay.

Like it? Share it!

Leave A Response