Wararkii ugu dambeeyay ee Xaaladda Boosaaso

by admin | Wednesday, Nov 13, 2019 | 833 views

Magaalada Boosaaso waxaa ka taagan Caawa xiisad ka dib markii maanta ay kotoroolka magaalada ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland iyo maleeshiyo ka soo horjeedda oo ay wehliyaan qaar ka mid ah ciidamada daraawiishta Puntland oo gadood ah.

Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka baxay Gaalkacyo iyo Garowe geysay Magaalada Boosaaso caawa, waxaana ay sheegtay in gacan bir ah lagu qaban doono Maleeshiyaadka Hubeysan.

Kooxda Hubeysan ayaa Caawa ku sugan Duleedka Magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay in markii hore ay ka yimaadeen dhanka Magaalada Carmo.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Boosaaso ayaa dadweynaha iyo Ciidanka ugu baaqaya in ay Xaaladda dejiyaan, islamarkaana Magaalada Boosaaso ay tahay Mid nabdoon oo aan dagaal looga baahneyn.

Odayaal taageersan maleeshiyada ku lugta leh iska hor-imaadkan, ayaa eedeyn u jeediyey xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni.

Like it? Share it!

Leave A Response