Waare “Diyaaraddii ka degtay Beledweyne waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada”

by admin | Sunday, Nov 10, 2019 | 821 views

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay la xisbaatami doonaan Shirkadda leh diyaaraddii maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Beledweyne, isagoo ku eedeeyay inay sameysay mas’uuliyad darro, ayna qaadatay riski sida uu yiri.

Waare ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xalay saqdii dhexe uu ku soo wargeliyay Madaxweyne kuxigeenkiisa Cali Guudlaawe in Beledweyne ay tagayaan Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Mr Waare ayaa sheegay in muddooyinkan xaalada garoonka diyaaradaha Beledweyne ay la tacaalayaan, isla markaana garoonak uu marna xirmayay marka uu roob da’o, marna uu furan yahay marka uu dhulka qalalo.

Waxaa uu sheegay in saaka 6-dii subaxnimo lala wadaagay in garoonka aan lagu degi karin, maadaama 600mitir oo dhulka diyaaradaha ku degaan uu biyo dhigay roobab xalay da’ay, isla markaana aysan diyaaradaha ku degi karin, gaar ahaan diyaaradaha nooca Focker 50.

Intaas kaddib waxaa uu sheegay inuu la xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh oo garoonka diyaaradaha joogay abaarihii 8-dii subaxnimo, isla markaana markii uu doonayay inuu la wadaago macluumaadkaas uu si kulul ula hadlay, kuna yiri maxaa ka galay saadaasha hawada, shaqo miyaad ku leedahay.

Waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab ay u hor-istaagaan wafdiga Madaxweynayaashii hore, isla markaana aanay jirin warka ah in raadaarka la dansaday, balse waxaa uu xusay in duuliyaha diyaaradda uu sameeyay qar iska tuurnimo, isla markaana uu dansaday raadaarka, kana jawaabi waayay, isagoo aan la hagin uu garoonka ka degtay.

“Go’aanka diyaaradaha dhulka duuliyaha ma lahan waxa is la keh hey’adaha u xil saaran oo ka warami karo shirkadaas leh diyaaradah waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada waqtigeeda kala xaali doonaan waana la xisaabtami doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare oo intaa ku daray in diyaaradaas ay walwal badan gelisay.

 

Like it? Share it!

Leave A Response