Sacuudiga oo sabab yaab leh usoo diiday danjiraha ay Somalia u magacowday

by admin | Saturday, Sep 28, 2019 | 787 views

Dowladda Sucuudiga ayaa diiday in ay warqadaha Safiirnimo ka guddoonto Cabdxakiin Xasan Ibraahim Ashkir, oo loo magacaabay Safiirka dowladda Soomaaliya ee boqortooyada Sucuudiga, Danjirahaha ayaan shaqo-gelin sidii loo magacaabay 3 bil kahor .

Inkastoo Sucuudigu aaney si rasmi u shaacin diidmadiisa, hadana waxaa laga dheehan karaa inuu u cuntami waayay shaqsiga Safaarada loo magacaabay Sida Sharciga Geneva ee Diblomaasiyadu dhigayo oo ah in Saddex bil Safiirkii aan laga gudoomin warqdaihiisa ay lamid tahay in la iska diiday.

Ashkir waxaa xilkaasi 29-kii May u magacaabay Madaxweyne Farmaajo, isagoo xiligaasi ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisa ay qeyb ka eheyd isbedel dowladda la damacsaneyd iney ku sameyso hoggaanka Safaaradaha.

15-kii June, ayaa si rasmi ah loo gudbiyay warqadihiisa Safiirnimo, waxeyna mudada 90-ka cisho ku ekeyd 15-kii bishan September, waxaana ka soo wareegatay mudada uu sharciga siinayay mudo 13 maalin ah.

Xubno ka tirsan howlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee wadankaasi Sucuudiga ayaa sheegay in diidmada Xukuumada Riyadh ay salka ku heyso tuhun ay ka qabaan in Ambassador Ashkir laga urinayo xiriir qoto dheer oo kala dhexeeya dowladda Qatar, si gaar ah Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo cilaaqaad dhow la leh reer Doxa.

Wararku waxa ay kaloo sheegayaan in xitaa dowladda Sucuudiga ay iska diiday in ay aqbasho xubno loo magacaabay Qunsuliyada Soomaaliya ee magaalada Jeddah, xubnihii hore Qunsuliyada uga shaqeynayay waxaa amray in ay dalka deg deg ku soo galaan Ra’iisul Wasaare Khayre.

Balse waxaa jiray xubno cusub oo boosaskaasi loo magacaaba, kuwaasoo ay ku adkaatay iney helaan Fiisaha iyo aqbalaadii ay ku howlgali lahaayeen, taasoo keentay in ay Muqdisho iska joogaan oo ay u dhexeeyaan Wasaarada arrimaha dibadda iyo madaxtooyada,iyagoo soo dhega dhageeyay halka xaaladooda ay mareyso.

Ashkir ayaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, kaas oo xilka  Wasiirnimo iska casilay kaddib markii uu sheegay in ay kala aragti duwanaadeen madaxda hadda talada dalka heysa.

Like it? Share it!

Leave A Response