Cumar Al Bashir oo dacwado lagu soo oogay

by admin | Saturday, Aug 31, 2019 | 569 views

Garsoore maxkamadeed ayaa maanta si rasmi ah labada dacwadood oo midi tahay heysasho lacago qalaad oo sharci darro ah iyo musuq maasuq kusoo oogay madaxweynihi hore ee dalka Sudan Omar al-Bashir.

Isaga oo ka jawaabayay su’aalo marki ugu horreysay maxkamadda lagu dhex weydiiyay ayuu Al Bashiir sheegay, inuu lacag dhan 25 milyan oo doollarka Mareykanka ah ka helay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, lacagaha kalana uu ka helay meelo kala duwan oo uusan carrabaabin.

Laakin madaxweynihi hore ee Sudan ayaa isku difaacay in lacagahaasi uusan u adeegsan danahiisa gaarka ah.

Qareenka difaacaya Cumar Al Bashir, ayaa sheegay in kalyantigiisa uu beeniyay eedaha loo soo jeediyay, isla markaana uu dhageysiga maxkamadda labaad uu keeni doono marqaatiyaal.

Garsoorihi maxkamadda ayaa diiday codsi ah in dammiin lagu sii daayo Cumar Al Bashir. Wuxuu maxkamadda ka sheegay in muddada xabsiga lagu sii heyn doono ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto 7-da bisha September.

Like it? Share it!

Leave A Response