Sanchez oo heshiis la gaaaray Inter Milan

by admin | Sunday, Aug 18, 2019 | 913 views

Waqtigii Alexis Sanchez ee Manchester United wuxuu u muuqdaa inuu soo gabagabay ka dib markii ciyaaryahanka reer Chile ogolaaday heshiis shaqsiyeed oo uu ugu wareegayo kooxda Inter Milan.

30 jirkan ayaa u dhaqaaqay Old Trafford sanadkii 2018 markii uu qeyb ka noqday heshiis isdhaafsi ah oo uu Henrikh Mkhitaryan ugu wareegay dhanka Arsenal.

United ayaa gacanta ku dhigtay xiddigii hore ee kooxda Arsenal kaasoo haatan ah xiddiga ugu mushaharka badan Premier League, isagoo isbuucii qaata 400 kun ginni, laakiin waxa uu ku guuleystay kaliya shan gool oo horyaalka ah 18kii bilood ee uu joogay masraxa riyada.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa u muuqda inuu ka tuuray shaxdiisa Sanchez kaasoo aaan lasoo xulan kulankii ugu horeeyay xili ciyaareedka, waxaana shaki weyn uu kujiraa mustaqbalkiisa Old Trafford.

Macalinka reer Norwey ayaa weli doonaya inuu mushaharka ninka reer Chile ka saaro meesha, laakiin wali ma helin koox bixin karta qiimaha mushaarkaas.

Gianluca Di Marzio ayaa sheegay in Sanchez uu ogolaaday inuu ku biiro kooxda Inter Milan 24-ka saac ee soo scda iisago rajeynayo inuu soo gaba gabeeyo mustaqbalkiisa.

Wakiilka Sanchez ayaa haatan la sheegayaa inuu ku sugan yahay Boqortooyada Ingiriiska si uu United kala hadlo wax ku saabsan heshiiska Inter

heshiis ayaa noqon doona mid amaah ah waxaana ka dib 12 bilood Inter ay iqtiyaar u leedahay inay si joogta ah ula wareegto Sanchez.

Ma cadda in United aqbali doonto dalabka, iyo haddii Inter ay si buuxda u dabooli doonto mushaarka haatan uu qaato Sanchez.

Xiddiga reer Chile ayaan la fileynin inuu ka mid noqdo safka United ee kulanka isniinta ay la ciyaarayaan Wolves madaama seddex isbuuc uu uu kasoo daahay tababarka sabab la xiriirtay taam ahaanshihiisa ka dib ka qeyb qaadashadiisii Copa America.

Waxaa la sheegay in Inter ay u dhaqaaqi doonto ciyaaryahankii hore ee Tottenham Fernando Llorente hadii ay ku guuldareystaan saxiixa Sanchez.

Si kastaba ha noqotee, waxay weli rajo ka qabaan saxiixa 30 jirkaan oo ay doonayaan inay ku lamaaniyaan saxiibkiisii hore ee Man Utd Romelu Lukaku.

Like it? Share it!

Leave A Response