Musharixiin qaadacay Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland

by admin | Tuesday, Aug 13, 2019 | 939 views

Xalay ayaa Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland waxaa ay ku dhawaaqeen Liiska Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73 Xubnood, iyada oo laba Xubnooday harsan yihiin,waxaana Xku dhawaaqista Xildhibaannada Cusub ka horyimid qaar ka mid ah Musharixiinta Jubbaland.

Maxamed Ibraahim  Shakuu oo ka mid ah musharixiinta isbeddel-doonka Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad ,isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqa kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay, isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da in soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland ay Shaqadooda aheyd Odayaasha Dhaqanka Beelaha,hayeeshee qaabka hadda loo soo xulay uu yahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku daray in qaar badan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland laga saaray liiska Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland,isaga oo dhaliil u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Si kastaba musharixiinta la Magac baxay Isbeddel-doonka Jubbaland & Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliy ayaa horay waxaa ay u shaaciyeen inaysan aqoonsan doonin Xildhibaannada Cuusb ee loo soo xulayo Jubbaland,waxana la sugayaa jawaabta ay ka bixiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response