Boris Johnson oo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha dalka Britain

by admin | Tuesday, Jul 23, 2019 | 1063 views

Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha  xisbiga Conservative ee dalka UK isagoo noqonayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.

Johnson oo hore u soo noqday duqa London ayaa ka guuleystey wasiirka arrimaha dibadda Britain jeremy Hunt. Waxana lagu wadaa in berri oo Arboco ah loo dhaariyo xilkaas kadib markii ay xafiiska baneyso  Theresa May.

Khudbad uu jeediyay markii lagu dhowaaqay inuu guuleystey ayuu Johnson ku sheegay in uu mideynayo wadanka uuna si degdeg ah uga saarayo Midowga Yurub kana guuleysanayo hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha Jeremy Corbyn.

Madaxda ururka Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay doorashada Boris Johnson halka qaar ka mid ah wasiirada dowlada Britain ay sheegeen inay iska casilayaan xilalka ay hayaan kadib doorashada ninka aadka ugu ololeeya ka bixida Britain ee Midowga Yurub.

Like it? Share it!

Leave A Response