faafaahin:17 ku dhimatay qarax subixnimadii hore ka dhacay Muqdisho

by admin | Monday, Jul 22, 2019 | 1151 views

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay 30 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax loo adeegsaday baabur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay waddo amnigeeda aad loo ilaaliyo oo ku taalla caasimadda Muqdisho.

Kooxda al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa oo lagu bartilmaamedsaday koontaroolka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee jidka KM4.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarka ayaa isugu jirta askar iyo shacab, waxaana isbitaalka Madina oo qaar ka mid ah dhaawacyada la geeyay ay soo sheegeen dhakhaatiirta ilaa 17 ruux inay qabaan dhaawacyo culus.
Qaraxa waxaa uu saamayay dhismayaal ganacsi oo ku yaallay goobta, sidoo kale waxaa ku gubtay kaalin shidaal oo ku dhaweyd barta koontarool ee la weerarray.
Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya,Sarreeye guuto Sakiyo Xuseen Axmed oo weerarka faahfaahin ka bixisay, waxaa ay tiri “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayee Ciidanka amniga ka hortagay baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint yaala KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen. Allah u naxariisto intii dhimatay inta dhawaacantay cafimaad dag dag ah inshallah.”
Hay’addaha amniga ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay ammaanka caasimadda Muqdisho, waxaana tallaabooyinka ay qaadeen ciidammada amniga oo ay ugu horreysa in la kordhiyay baraha koontaroolada ee gaadiidka iyo dadka lagu baari ay dhalisay inay hoos u dhacaan weerarrada ay Al-Shabaab ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.
Like it? Share it!

Leave A Response