Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay Amniga Magaalada Dhuusamareeb

by admin | Tuesday, Jul 16, 2019 | 1079 views

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan la wareegtay Amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, islamarkaana laga wareejiyay maamulka Ahlusunna oo horay gacanta ku hayay.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay Amniga Dhuusamareeb, iyadoo Ra’iisul wasaaraha XFS uu kormeer dhiiri-galin ah ugu tagey Ciidanka sugaya Amniga oo ah Ciidankii Booliska & NISA ee horay uga howlgali jiray Galmudug iyo kuwii Ahlu Sunna ee dhawaan la qarameeyey ee ku kala biiray Booliska iyo NISA.

Like it? Share it!

Leave A Response