Gaalkacyo: Taliyihii Booliska oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray

by admin | Tuesday, Jul 2, 2019 | 1275 views

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigiisa taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, kaas oo lagu Magacabi jiray  Cawil Nuur Rooble.

Gaari nooca loo yaqaano NOH ayaa lagu xiray Miinada nooca dhejiska,waxaana ay la qaraxday xilli shalay gelinkii dambe uu marayay wadada 30-ka ee Bartamaha Gaalkacyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana ilaa iyo hadda ka hadlin Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response