Shir u dhaxeeya Wasaarado Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed oo ka dhacay Muqdisho

by admin | Thursday, May 2, 2019 | 896 views

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa Kulan wadatashi ah layeeshay qaar kamid ah Wasiirada & Agaasimayaasha Wasaarada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka.

Kulan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii wadashaqayn dhow ay u dhexmari lahayd Wasaaradda Hawlaha Guud ee DFS & Kuwa Maamul Goboleedyada Dalka.

Waxaa intii uu Shirku Socoday ay Wasaaradda Hawlaha Guud DFS soobandhigtay Hidise Sharciyeedyo la doonayo in laga hirgaliyo Dalka oo kala ah Sharciga Ogolaanshaha Dhismaha & Siyaasadda Jaangoynta Dhismaha Magaalooyinka.

Dhamman kasooqayb galayaasha shirka ayaa soodhoweeyey iyagoona sheegay in sharciyadan uu dalku baahi wayn uqabo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud DFS Mudane Cabdi Aadan Hoosow ayaa dadaal ugu jira sidii wadashaqayn buuxda ay u dhexmari lahayd Wasaaradaha Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka & Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Federalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response