XOG: KENYA oo fashilisay xeelad ay DF iyo Itoobiya u dejiyeen Axmed Madobe

by admin | Monday, Mar 25, 2019 | 1213 views

Dowladda Kenya ayaa ku gacan seertay xeelad ay dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya dejiyeen oo la doonayey in si farsameysan xukunka looga tuuro Axmed Madoobe, Xoghoose.com ayaa sidaas ogaatay.

Qorshahan oo Villa Somalia ay dowladda Kenya u jeedisay bil iyo bar ka hor, ayaa looga codsaday in ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay qabtaan gobolka Jubbada Dhexe, oo inta badan Al-Shabaab ay gacanta ku hayso, hase yeeshee fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Kenya.

Qorshaha ay dowladda damacsaneyd, oo ay ka dhaadhicisay Itoobiya, ayaa ahaa in marka la qabto gobolka, Axmed Madoobe lagu qasbo inuu usoo guuro magaalada Bu’aale, maadaama ay tahay caasimadda maamulka Jubaland.

Xeeladda arrintan ka dambeysa ayaa ahayd in Axmed Madoobe gacantiisa laga bixiyo magaalada Kismaayo

Waxaa sidoo kale qabashada Jubbada Dhexe, oo kadib lagu xajin lahaa Gedo, ay dowladda siin lahayd inay maamusho in ka badan laba gobol oo Jubaland ah, taasi oo yareyn kartay sharciyadda Axmed Madoobe, awoodna u siin lahayd dowladda inay ku dul dhisto maamul kale, oo caasimad ay u tahay Bu’aale, haddii uu diido inuu usoo guuro Bu’aale.

Kenyan-ka iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay fahmeen xeeladdan, waxaana Kenyan-ka ay sheegeen in qorshahan laga dhigo kadib doorashada Jubaland.

Kenya ayaa hadda ah caqabadda iyo darbiga dowladda Soomaaliya ay ka gudbi la’dahay ,si ay meesha uga saarto Axmed Madoobe, taasi oo ku qasabtay inay la furto wada-hadallo aysan ku faraxsaneyn

Like it? Share it!

Leave A Response