Golaha Wasiirada Puntland oo lagu dhawaaqayo

by admin | Sunday, Feb 10, 2019 | 841 views

Saacaddaha soo socda ayaa lagu waddaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiiradda maamulka Puntland, waxana Magaalada Garowe ka socda diyaargarowgii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa Saacaddihii ugu dambeeyay ku jiray kulamo wadatashi ah oo ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Dani uu ku dhawaaqi doono Golo Wasiiro ah oo Kooban.

Like it? Share it!

Leave A Response