DEG DEG: Saraakiil Iyo Askar Loo Xiray Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1579 views

Warar hadda soo gaaray Shabakada Reegaay.com   ayaa waxay sheegayaan in ammar kasoo baxay wasaaradda amniga DFS lagu xiray saraakiil iyo sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta Muqdisho.
Xubnahan oo aan magacyadooda helin ayaa lasoo sheegayaa in lagu haysto arrin la xiriirta qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa hadda lagu xiray xarunta CID ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo su’aallo badan halkaasi lagu weydiinayo.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa xaqiijisay dhimashada 14 ruux, inkastoo khasaaraha uu intaasi ka sii batay, waxana Maanta soo baxayay warar sheegayay in dad dhaawac ahaan isbitaalada loo geeyay in ay geeriyoodeen.
Qaar ka mid ah Magacyada iyo Sawirrada dadkii qaraxaas ku dhintay oo u badnaa Dhalinyaro ayaa la helay kuwaas oo eheladooda iyo saaxiobadooda ay shaaciyeen.
Sidoo kale waxaa jira dad qaraxaasi ku geeriyooday oo dadkooda ay aasteyn balse aan weli Magacyadooda iyo sawiradooda aan la helin.
Hadab Hoos Ka Akhriso Magacyada qaar ka mid ah dadka qaraxaas ku geeriyooday iyo Sawiradooda.
1:-Cabdalla Cali Yoonis
2:-Feysal Axmed Yuusuf
3:-Dalmar Ali Hayan
4:-Cabdale Macalin
5:-Baashe Cabdullaahi Gaabow
6:-Axmed Cali Siciid(Dalmar)

Like it? Share it!

Leave A Response