XOG RASMI AH:-Farmaajo Oo la Sheegay Inuu Hortaagan Yahay In La Toogto Ninkii Dilay Wasiir Saraaji + Sababta

0
27

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli hortaagan in la toogto askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji oo dil ku xukuman.
Xog ay heshay shabakada Reegaay.com ayaa sheegaya in farmaajo arrintani u diidan yahay Labo arrin.

Ugu horreyn wuxuu diiddan yahay in arrintu noqoto mid lagu degdegay, sababtoo ah dilka ayaa u muuqanaya mid shil ah, wasiirkana aan la ogeyn inuu gaariga ku jiray iyo in kale.

Dad loo diray baaritaanka gaariga wasiirka lagu diley iyo sidey wax u dhaceen waxay sheegayaan sidey wax u dhaceen loo qaadan karo shil.
Waxaa suurtagal ah in Farmaajo uu dalbo in dib loogu laabto xukunka askarigaasi, waxaana sidoo kale macquul ah in uu saxiixo toogashada askarigan, balse weli culeys ayaa jira.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE