Caalamka oo Wali La Yaabban Sirta Ka Dambaysa Tuulo Hablaha Yaryar Ee Ku Nooli Isku Baddalayaan Wiilal!!

0
27

Inkasta oo markii hore wararkii Arrinkan warbaahintu ka soo wariyeen loo haystay warar malo awaal ah oo laga badbadiyey haddana waxa sii socda xaqiiqada sheekadan iyo sida ay adduunka uga yaabisay ee aan wali la ogayn sababta keenaysa.
Qisadan oo markii ugu horraysay ay soo warisay idaacadda la iska arko ee BBC-du janalkeeda labaad ayaa waxa ay ka dhacday jasiiradda yare ee Dominican Republic oo ka mid ah dalalka ku yaalla Jasiiradaha Caribbean-ka waxaana dhacday in tuulo dalkaasi ku taalla oo lagu magacaabo Silens ay ka taagan tahay qisadan layaabka leh iyada oo hablaha yaryar ee tuuladaasi ku dhashaa marka ay gaadhaan da’da 12-jir ay isku baddalayaan wiilal taasi oo baadhitaan lagu sameeyey aan la ogayn sababta keenaysa. Sida uu ku soo warramayo Telefishanka BBC, Barnaamij laga diyaariyay dhacdadan qariibka ah ayaa waxa ay muujinaysaa in Sagaashan Boqolkiiba (90%) hablaha yaryar ee ku nool Magaalada Silense ee dalka Dominican Republic ay marka ay 12-jir gaadhaan isku baddalayaan wiilal iyada oo wiilasha xaaladdaasi ku imanaya deegaankaasi looga bixiyey magaca “Guevedoces” waana arrin dhinaca is baddalka jinsiga ah oo layaab leh horena aan adduunka loogu arag walina aanay culimada cilmiga aadamuhu waxba ka fahmin baadhitaanna ku wadaan.

Sida ay ku warramayso BBC, wargeyska Foorena idiinka soo turjumay, Xukuumadda waddanka Dominican ayaa cilmi-baadhayaal ku xeel dheer cilmiga noolaha gaar ahaan kan Aadamaha, waxa ay u direen tuuladan oo ah tuulo fog oo ku taalla xeebta Badda Caribbean, si ay baadhitaan ugu soo sameeyaan is baddalkan jinsi ee ku dhacaya hablaha yaryar ee deegaankaasi oo isku baddalay wiilal.

Khabiir ka mid ah kooxdan dawladdu u dirtay tuuladan ayaa sheegay in is baddalka hormoonada ee dhinaca jinsiga ahi hablaha yaryar ku bilaabanayo marka ay gaadhaan da’da 7-jir illaa laga soo gaadhayo 12-jirkooda oo ay si buuxda u noqonayaan lab ama wiil, iyada oo wixii ka horreeyey 7 jirkooda illaa 6 jirkooda ay hablo ahaayeen.
Dadka deegaanka oo u badan dad sabool ah oo noloshoodu hoosayso cilmiga casriga ahina aanu gaadhin, ayaa arrinkan u arka mucjiso dadkoodu gaar u leeyihiin oo aanay wax dhib ah u arag ama qariibsan, iyaga oo sheegay in aanay la yaabin arrinkan hablaha yaryari ku noqonayaan rag taasina tahay wax samada ka yimid oo aanay iyagu waxba ka garanayn.

“Marka ay da’doodu gaadhayso Lix illaa toddoba sano ayaa dheecaanka jidhkooda ku jira ee testosterone uu soo daynayaa dheecaanno xaddi badan oo keenaya in jidhka ilmahaasi noqonayo mid lab, sidoo kalena ay ku soo yaraanayaan unugyadii dheddig ee jidhkiisa ku jiray mana aha xaalad caadi ah sida aannu ku naqaanay cilmiga aadamuhu u leeyahay kala duwanaanshaha jinsi ee dadka. Waxaana ka soo baxaya xubnaha raganimada” sidaa waxa yidhi Madaxa cilmi baadhayasha arrinkan loo saaray oo lagu magacaano De Mourtino Garcia oo ah khabiir u dhashay waddankaasi yar ee Jamhuuriyadda Dominican.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE