Al-shabab oo sheegatay dilal ay ka geysatay Baardheere iyo Beledweyne

0
26

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dilal qorsheysan ka geysteen Gobollada Gedo iyo Hiiraan,iyada oo ay sheegteen dilka dad lagu dilay magaalooyinia Baardheere iyo Beledweyne.
Baardheere ayey Al-shabaab sheegeen in ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lau magacaabi jiray Axmadeey,kaas oo ay dileen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab waxaa ay intaas ku dareen in Askariga lagu dilay Baardheere ay ciidamadooda ka qaateen Qoriga uu watay iyo Booshashka rasaadta lagu qaato.

Dhinaca Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay Al-shabaab sheegeen in Askari lagu magacaabo Guhaad lagu dilay galbeedka Beledweyne iyada oo Qoriga uu watayna ay ka qaateen sida ay sheegeen.
Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan ka geysta Gobollada dalka iyo Caasimadda Muqdisho,waxaana inta badan ay bar tilmaameedsadaan Askarta iyo saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE