Watford Oo Milix Sii Marisay Dhaawacii Chelsea Mugdina Ku Riday Mustaqbalka Antonio Conte, Guul Weyn Ayay Ka Gaareen

0
26

Watford Oo Milix Sii Marisay Dhaawacii Chelsea Mugdina Ku Riday Mustaqbalka Antonio Conte, Guul Weyn Ayay Ka Gaareen

 

https://i0.wp.com/kooxda.com/wp-content/uploads/2018/02/

Kooxda Watford ayaa ahayd kooxda weerarada khatarsanayd halka ayna kooxda chelsea dhaafayn khadka dhexe ee kooxda Watford.

Watford ayaa ku dhawaatay in ay dhawr jeer goolal kaga naxsato chelsea daqiiqadihii ugu horeeyay laakiin nasiibka ayaa saacidi waayay in ay dhaliyaan.

Chelsea ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 30-aad markaas oo kaarka cas loo taagay xiddiga khadka dhexe ee Tiemoue Bakayoko kaas oo laba digniinood qaatay.

Watford ayaa daqiiqadii 42-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu rikoore u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Troy Deeney kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Watford hogaanka ku hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Watford hogaanka ku hayso ciyaarta xilli chelsea uu xaalku ku xun yahay.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kooxda Chelsea ku bilaabatay si waali ah iyaga oo qaadayay weeraro ay ku doonayaan in ay ku keenaan goolka bar-baraha.

Kooxda Watford oo iyadu daafaca adkaysatay sidoo kale ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah kuwaas oo ay dhwr jeer ku sigtay in ay goolal uga dhaliso Chelsea.

Kadib dadaal badan iyo weeraro joogto ah oo ay Chelsea qaadaysay waxa ay daqiiqadii 82-aad dhalisay gool qurux badan oo uu Eden Hazard ugu soo celiyay ciyaarta.

Chelsea oo ay kalsoonidu u soo laabatay ayaa si joogto ah u go,doomisay kooxda Watford iyaga oo doonayay in ay ciyaarta dhankooda u rogaan kana dhaliyaan Watford goolka guusha.

Watford ayaa ka faa,iidasatay weerarkii ay Chelsea ku mashquulsanayda waxana ay goolka 2-aad dhalisay daqiiqadii 84-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Daryl Janmaat kaas oo mar kale hogaanka u dhiibay kooxda Watford.

Kooxda Watford ayaa mar kale dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Gerard Deulofeu kaas oo daqiiqadii 88-aad dhaliyay goolka 3-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa mar kale gool dhalisay kooxda Watford iyada oo uu daqiiqadii 90-aad goolka 4-aad u dhaliyay xiddiga Roberto Pereyra kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1 ay Watford hogaanka ku hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar six un loo bahdilay kooxda Chelsea iyada oo uu cadaadisku ku sii kordhay Antonio Conte kaas oo haatan la sugayo go,aanka ay Chelsea ka gaari doonto mustaqablkiisa.

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE