Hordhac: Watford Vs Chelsea: Xiddigaha Blues Oo U Dagaalamaya Mustaqbalka Tababare Antonio Conte

0
30

Kooxda Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Watford kulan ka dhici doona garoonka Vicarage Road kana tirsan horyaalka premier league todobaadkiisii 26-aad.

Blues aaa si aad ah ugu baahan in ay ku soo laabato wadada guusha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee todobaadkii hore ka soo gaartay kooxda Bournemouth.

Kulankan ayaa noqon kara kulankii ugu dambeeyay ee uu Antonio Conte maamulo Chelsea hadii ay guuldaro kala kulmaan kooxda Watford.

Kulanka: Watford Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Vicarage Road

XAQIIQOOYINKA KULANK:

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay kooxaha Watford iyo chelsea wada ciyaaraan habeen Isniin ah tan iyo bishii May ee sanadkii hore kulankaas oo ay chelsea 3/4 ku badisay.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan dhalisay 13 gool oo madax ah xilli tan iyo kulankiisii ugu horeeyay ee premier league ee 2012 uu Olivier Giroud dhaliyay 27 gool oo madax ah tartamada oo dhan.

Olivier Giroud ayaa kaliya ku bilowday hal kulan oo premier league xilli ciyaareedkan waxana uu ahaa kulankii West Ham ee bishii December, 7 ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ahaa qaar uu kaydka ka soo kacay.

Watford ayaa leh 27 dhibcood 35-ka kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen horyaalka premier league waxa ay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay haysteen dhibco ka badan.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE