Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Real Madrid & Levante Ee Kulankii Ay Los Blancos Guusha Iska Qasaarisay-Kumaa Ahaa Xidigii Garoonka?

0
30

Kooxda Levante ayaa laba jeer ka soo kabsatay goolal ay Real Madrid guul ku gaadhi kartay waxayna kooxda Zinedine Zidane wali uu nugushahay in si sahlan goolal looga dhalin karo. Kooxda Levante oo ku jirta kaalmaha ugu hoseeya horyaalka La Liga ayaa daqiiqadii 89 aad keensatay goolka ay Real Madrid niyadjabka ugu abuurtay iyada oo xataa ku sigatay in ay guul gaadho dhamaadkii ciyaarta.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Sergio Ramos iyo Isco ayaan ku filnaan in Madrid ay guul soo gaadho. Sergio Ramos ayaa kulankan ka dhigay rekoodh isaga khaas u ah wuxuuna noqday difaacii abid ugu horeeyay ee horyaalka La Liga goolal ka soo dhaliyay 14 xili ciyaareed oo xidhiidh ah.

Barbaraha ay Real Madrid la kulantay ayaan guuldaro uga dhicin maadaama oo ay awoodi wayday in ay soo qabto kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Valencia isla markaana ay 7 dhibcood ka sii fogaatay dariskeeda Atletico Madrid iyada oo waliba 18 dhibcood hoos uga sii dhacday Barcelona oo kulankeeda Espanyol fursad kale oo wayn haysata.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda labada kooxood ee bandhigii ay Real madrid iyo Levante ka sameeyeen kulankan iyada oo laga arki karo xidigaha isku muujiyay.

XIDIGII GAROONKA: Kabtanka kooxda Levante ee Jose Luis Morales ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa u noqday dhiiro galiye isla markaana ay is dhiibi wayday in kasta oo laba jeer goolal looga hormaray. Haddii ay Madrid guusha xejisan lahayd Luka Modric ama Karim Benzema ayaa noqon karay xidiga garoonka balse Morales ayaa markan qaatay.

Waxaa kulankan ku fashilmay difaaca Levatne ee Postigo kaas oo Karim Benzema ka caawiyay in uu si sahlan u abuuro caawinta goolkii Isco laakiin dhinaca Real Madrid waxaa kulankan iska dhex waayay Gareth Bale kaas oo markii uu waxtar yeelan waayay la badalay.

Benzema iyo Modric ayaa ahaa labada xidig ee Madrid ugu bandhiga fiicnaa halka Ronaldo uu bandhig meel dhexaad ah sameeyay balse aanu muujin awoodiisa ciyaareed.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Levante: Oier (7), Coke (7), Pier (6), Postigo (5), Luna (6), Lerma (7), Doukoure (6), Lukic (7), Boateng (7), Ivi Lopez (6), Morales (8)

Badalkii: Roger (5), Jason (7), Pazzini (7)

Real Madrid: Navas (7), Carvajal (6), Ramos (6), Varane (6), Marcelo (6), Casemiro (6), Kroos (6), Modric (8), Bale (5), Ronaldo (6), Benzema (7)

Badakii: Isco (7), Asensio (6), Lucas (N/A)

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE