Real Madrid Oo Barbaro Qalbi Jab Ah Kala Kulantay Levante Oo Dhamaadkii Ciyaarta La Timid Gool Ay Los Blancos Kaga Horjoogsatay Guul Ay Xisaabsatay.

0
28

Real Madrid ayaa barbaro niyadjab leh la soo gashay kooxda kaalinta 17 aad horyaalka La Liga kaaga jirta ee Levante iyada oo Los Blancos laba jeer iska lumisay goolal ay ku hormartay. Iyada oo Sergio Ramos iyo Isco u muuqdeen in laba gool oo ay dhaliyeen guul u horseedayso Madrid ayay kooxda Levante awooday in ay laba jeer ka soo kabsato goolasha ay Madrid kaga hormartay.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 89 aad laga dhaliyay goolka looga horjoogsaday guul ay xisaabsatay waxayna kooxda Levante dhamaadkii ciyaarta halis wayn galisay Madrid oo ay guuldaro badi gaadhay. Real Madrid ayaa hadda u muuqata mid aan joogtayn karin qaab ciyaareedkeeda iyada oo 21 kulan ka soo heshay 39 dhibcood waxayna wali hal dhibic ka hoosaysaa Valencia oo kaalinta saddexaad ku jirta.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Madrid (4-3-3): Keylor Navas, Daniel Carvajal, Raphael Varane, Sergio Ramos, Marcelo, Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos, Gareth Bale, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo.

Kaydka: Kiko Casilla, Isco, Nacho, Mateo Kovacic, Lucas Vazquez, Marco Asensio, Theo Hernandez.

Levante (4-3-3): Oier Olazabal, Coke, Sergio Postigo, Rober Pier, Antonio Luna, Sasa Lukic, Jefferson Lerma, Cheick Doukoure, Jose Luis Morales, Emmanuel Boateng, Ivi.

Kaydka: Koke, Erick Cabaco, Jason, Pedro Lopez, Enis Bardhi, Roger Marti, Giampaolo Pazzini.

Zinedine Zidane ayaa soo xushay shaxda kooxdiisa ugu muhiimsan wuxuuna doonayay in kadib guushii waynayd ee kulankii Valencia in uu raadiyo qaab ciyaareed joogto ah oo ay kooxdiisu kaga bixi karto xaaladii adkayd ee ay soo martay iyada oo ay Los Blancos raadinayso kalsooni buuxda ka hor kulanka PSG ee Champions League.

Real Madrid ayaa qaybtii hore ee kulankan ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay isla markaana natiijo ahaan ciyaarta wax badan ka heli kartay laakiin kooxda Levante ayaa samaysay iska caabin xoogan si ay Madrid uga horjoogsato in ay shaqo badan sii qabsato qaybtii hore ee ciyaarta.

DAQIIQADII 11 AAD Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kooxdiisa u saxiixay gool madax ah kaas oo ahaa goolkiisii 50 aad ee Los Blancos kadib markii uu Kroos kubbad ku soo tuuray xerada ganaaxa Levante, wuxuuna goolkan Madrid siiyay kalsooni ay ciyaarta si fiican ugu bilaabtay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 18 AAD Marcelo iyo Bale ayaa kubbad cajiib ah soo dhisay waxaana xilka gool dhalineed looga hadhay Cristiano Ronaldo laakiin xidiga ree Portugal ayaa lumiyay fursad haddii ay gool noqon lahayd qaab qurux badan looga soo shaqeeyay laakiin darbada Ronaldo ayaa birta dulmartay.

DAQIIQADII 32 AAD Goolhayaha Levante ee Oier Olazabal ayaa qalad xun sameeyay iyada oo Kroos uu kubbad ku soo wareejiyay goola Levante laakiin Ronaldo oo fursad kale oo fiican helay ayaa awoodi waayay in uu garaaco goolhayaha u qaldamay ee Oier Olazabal.

DAQIIQADII 42 AAD Kooxda martida loo ahaa ee Levante oo halis ugu jirtay in ay la kulanto goolka labaad ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu Morales awooday in uu Ramos ka baxsado isla markaana uu Navas ku qasbay in uu badbaadin sameeyo laakiin kubbada uu Keylor Navas iska joojiyay ayaa si naxariis leh ugu tagtay Boateng  kaas oo dhaliyay goolka barbaraha ee Levante waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah iyada oo Los Blancos iska lumisay hogaanka ciyaarta isla markaana awoodi wayday in ay fursado ay hesho goolal kale kula timaado taas oo Levante siisay fursada ay ciyaarta baaqi ugu sii ahaatay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Real Madrid ayaa bilawday hawlgalo waa wayn oo ay ku raadinaysay goolka labaad iyo qaabkii ay u soo ceshan lahayd hogaankii ciyaarta ee ay lumisay dhamaadkii qaybtii hore.

Laakiin Levante oo iska caabin xoogan la soo baxday ayaa markeeda raadinaysay in ay Real Madrid ka hesho fursad kale oo ay gool ku dhalin karto. Markii ay ciyaarta waqti badan waxba iska badali waayeen ayuu Zidane ciyaarta ka saaray Gareth Bale oo qaab ciyareed isku dhaf ah muujiyay wuxuuna daqiiqadii 66 aad kaydka ka soo ciyay Isco.

DAQIIQADII 73 AAD Modric iyo Isco ayaa si fiican iskugu soo xidhmay iyada oo Isco uu isku dayay in uu si toos ah u toogto goolka Levante lakiin goolhaye Oier ayaa kubbada iska joojiyay iyada oo Ronaldo uu u muuqday mid darbada Isco aan ku faraxsanayn maadaama oo uu kubbada ka dalbanayay.

DAQIIQADII 74 AAD Karim Benzema ayaa si layaableh kubbada u soo dhaaftay dhawr ciyaartoy oo Leventa ah wuxuuna u muuqday mid goolka labaad ee Madrid si cajiib ah u dhalinaya balse waxay ciyaartoyda Levante awoodeen in darbadiisa ay birta dhinac ka mariyaan!.

DAQIIQADII 81 AAD Real Madrid ayaa ugu danbayn heshay goolka labaad ee ay sida wayn ugu soo rafaaday iyada oo ugu danbayn markale jabisay difaaca adkaa ee Levante waxaana gool qurux badan oo aan la joojin karin Madrid u saxiixay Isco kadib markii uu Karim Benzema kubbad caawin fiican  u sameeyay Isco iyada oo Benzema uu kubbad banaanka u baxaysay uu ka soo xoogsaday difaaca Levante ee Postigo waxayna ciyaarta u noqotay 2-1 ay Madrid hogaanka ciyaarta ku soo ceshatay.

Goolkan ayaa yimid xili Real Madrid ay halis ugu jirtay in ay dhibco lumiso balse ay ka walwalsanayd in Levante ay xataa la iman kartay goolka labaad maadaama oo sida ay difaac ugu jirto ay kubbado kula baxsanayeen goolka Madrid.

DAQIIQADII 82 AAD Zidane ayaa ciyaarta ka saaray Cristiano Ronaldo wuxuuna kaydka ka soo kiciyay Marco Asensio iyada oo Real Madrid aan markan cabsi badan ka qabin in Levante oo aad u daashay ay soo laab karto.

DAQIIQADII 87 AAD Ma rumaysan kartid fursada ay Levante ku heshay goolka Real Madrid hortiisa iyo sida ay ugu dhawaatay in ay markale ciyaarta ku soo laabto xili ay dhamaad ahayd, waxaana fursad gool cadaan ah loo fishay lumiyay Roger kaas oo banaan wayn ka helay Roger kaas oo isaga laftiisu rumaysan waayay fursada uu lumiyay.

DAQIIQADII 89 AAD Kooxda Levante ayaa si layaableh waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta u heshay goolkeeda labaad ee ay markale ciyaarta ugu soo laabtay waxaana goolkiisii ugu horeeyay ee la Liga dhaliyay G. Pazzini  oo kooxdiisa cusub waqti muhiim ah ciyaarta ku soo celiyay isaga oo caawin ka helay Jason waxayna ciyaartu noqotay barbaro 2-2 ah!!.

Shan daqiiqo oo dheeri ahaa oo ciyaarta lagu daray ayaa labada kooxood ku noqday wadno xanuun iyada oo levante la soo baxday weeraro deg deg ah oo layaableh halka Real Madrid ay ka cabsatay in guuldaro ay la kulanto daqiiqadihii ciyaarta ugu danbeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah oo Levante si layaableh Madrid uga horjoogsatay guul ay u muuqatay in ay xaqiijisatay markii uu Isco goolka labaad dhaliyay, laakiin qaladaadka difaac ee Madrid iyo adkaysi la’aan uu muujiyay Navas si la mid ah dhiirnaan ay ku ciyaartay Levante ayaa Madrid ka beenisay saddex dhibcood oo ay u muuqatay in ay heshay.

Xaalada aan fiicnayn ee ay Real Madrid xili ciyaareedkan kaga jirto La Liga ayaa wali ah mid aan xal buuxa loo helin iyada oo 21 kulan ka soo heshay 39 dhibcood waxayna hal dhibic ka hoosaysaa Valencia iyaga oo min 21 kulan soo ciyaaray laakiin Los Blancos ayaa 7 dhibcood hoos uga dhacday kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid oo ay hadda isku kulamo soo ciyaareen.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE