Maxaa Sabab U Ah Qalalaasaha Real Madrid Ee Xili Ciyaareedkan Ee Ay 19 Dhibcood Uga Hoosaysaa Barcelona? SAGAAL Qodob Oo Saamayntan Salka Loo Saaray

0
26

Kubbada cagta ayaa ah mid si deg deg ah isku badasha waxaana tusaale wayn kuu ah sida Real Madrid ay uga soo dhacday koox aan la loodin karin isla markaana ay u noqotay koox aan garoonkeeda guul ku gaadhi karin isla muddo kooban. Real Madrid ayaa ku jirta xaalada qalalaase ah isla markaana ayna waqti dheer soo marin iyada oo markii ugu horaysay taariikhdeeda 19 dhibcood ka hoosaysa Barcelona 19 kii kulan ee kala badhka xili ciyaareedka.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa maqaalkan idiinku soo gudbinaysa sagaal qodob oo lagu saleeyay qalalaasaha Real Madrid haysta xili ciyaaredkan taas sabab u noqotay in ay xili horeba luminayso difaacashada koobka ay ku soo guulaysatay ee La Liga. Xili ciyaareedka Madrid ayaa hadda u muuqda mid ku xidhnaan doona Champions League iyo Copa Del Rey.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo sagaalka qodob ee sababta u ah in xili ciyaareedkan ay Real Madrid ku soo dhibtootay horyaalka La Liga.

1. Dhibcaha Badan Ee Ay Real Madrid Garoonkeeda Bernabeu Ku Lumisay. Haddii la xisaabin lahaa dhibcaha ay koox kastaaba xili ciyaareedkan ka soo heshay kulamadii La Liga ee ay garoonkeeda ku ciyaartay, waxay Real Madrid ku jiri lahayd kaalinta shanaad iyada oo ay isku dhibco ahaan lahaayeen kooxda Eibar.

Real Madrid ayaa Bernabeu shan kulan soo guulaysatay xili ciyaareedkan waxayna barbaro la soo gashay kooxaha Valencia iyo Levante halka saddex guuldaro ay ku soo gaadheen kulamadii Real Betis, Barcelona iyo Villarreal, waana saamaynta ugu xun ee xili ciyaareedkan haysata.

Real Madrid ayaa markii ugu horaysay laba guuldaro oo xidhiidh ahi ku soo gaadhay Bernabeu ee kulamada La Liga tan iyo May 2009 kii markaas oo uu Madrid tababare u ahaa Juande Ramos waxayna markaas Madrid laba guuldaro oo xidhiidh ahi ka soo gaadhay kooxaha Barcelona iyo Villarreal si la mid ah arintii dhawaan laga diwaan galiyay kulamadii Madrid.

2. Abaarta Gool La’aanta Weerar Yahanada:  Waa markii ugu horaysay taariikhda Real Madrid ee La Liga ee ay gool dhaliyaasheeda ugu sareeyay min 4 gool soo dhaliyeen 18 kii kulan ee xili ciyaareedka ugu horeeyay. Cristiano Ronaldo, Gareth Bale, Isco iyo Marco Asensio ayaa min afar gool soo dhaliyay halka Karim Benzema uu 2 gool oo kaliya soo hdaliyay. Ma jiro ciyaartoy Real Madrid ah oo ka soo muuqday 25 ka ciyaartoy ee goolasha ugu badan ka soo dhaliyay la Liga.

Sababtani waxay si dhab ah ugu lug leedahay qalalaasaha Madrid ee xili ciyaareedkan iyada oo ku dhibtoonaysa in ay dhaliso goolashii looga bartay ee ay guulaha waa wayn ku soo gaadhi jirtay.

3. Dhaawaca Gareth Bale. Real Madrid ayaan inta badan kulamadii qaybtii hore ee xili ciyaareedkan helin adeega Gareth Bale kaas oo dhaawacyo badan la soo dhibtoonayay waxayna taasi keentay in Karim Benzema iyo Cristiano ROnaldo ayna buuxin awoodii weerar ee ay Madrid lahayd marka uu Bale safkeeda qaybta ka ahaa.

4. Qaab Ciyaareedkii Fiicnaa Ee Marcelo Oo Lumay. Marcelo ayaa saamayn layaableh ku lahaa horumarkii taariikhiga ahaa ee Real Madrid ay soo gaadhay sanadkii hore laakiin xidiga ree Brazil ayaa ku jira xaalad qaab ciyaareed aad u liita laakiin sidoo kale Zidane ayaa wali ku adkaysanaya in Marcelo uu ka horeeyo Theo Hernandez oo wax badan soo kordhin lahaa inta uu Marcelo soo kabsanao.

Haddii aad si gaar ah u eegto weeraradii deg dega ahaa ee Villarreal ayaa ka imanayay dhinaca Marcelo uu difaaca uga ciyaarayay inkasta oo markii ay Villarreal goolka dhalisay uu qaladka ugu wayn lahaa Carvajal oo booskiisa uu Cheryshev ka soo weerar tagay. Laakiin in Marcelo uu lumiyay bandhigii cajiibka ahaa waxay saamayn wayn ku yeelatay Madrid.

5. Jawaab La’aanta Zinedine Zidane Ee Xaalada Kooxdiisa. Zinedine Zidane ayaa si indho la’aan ah wali u aamisnan kooxdii taariikhda ka soo caawisay wuxuuna ku taagan yahay go’aankii uu ku gaadhay in aanu waxba badalin, laakiin waxay taasi keentay in maalinba maalinta ka danbaysay ay xaaladu ku sii xumaanayso kooxdiisa.

Tusaale ahaan Zidane ayaan waxba ka qaban qaab ciyaareedka lumay ee Marcelo, Kroos, Modric, Benzema iyo Ronaldo isaga oo heli karayay xidigo da’yar ah ama kaydka jooga oo ay ka mid yihiin Marco Asensio, Lucas Vazguez oo wali u xamaasadaysan in ay si adag u ciyaaraan.

Sidoo kale Zidane ayaa la soo daaha badalka uu shaxdiisa kulamada ku sameeyo taas oo kooxaha siinaysa waqti badan oo ay xaalada ugu sii adkayn karaan Madrid. jawaab la’aanta Zidane ee xaalada kooxdiisa ayaa ah mid ka mid sababaha ugu waa wayn ee ay Los Blancos u dhibtoonayso.

6. Saxiixyadii Liitay Ee Ay Madrid Suuqii Xagaaga Samaysay:  Real Madrid ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay uu u ahaa mid musiibo ah iyada oo aan isku dheeli tirin xidigihii kooxdeeda ka baxay iyo kuwii ku soo biiray. Fashilka ugu wayn ee Madrid maanta haysta ayaa ah in saxiixyadii xagaagu noqdeen kuwa aan helin waqti ay isku muujin karaan.

Tusaale ahaan waxaa arintan cadayn u ah daqiiqadhaha ay ciyaareen taas oo ah Theo Hernández (713 daqiiqdo), Jesús Vallejo (449), Marcos Llorente (528), Dani Ceballos (531) iyo Borja Mayoral (527). Halka ay ka baxeen James Rodriguez, Alvaro Morata iyo Pepe oo ay ciyaartoy aan muhiim ahayni badashay ayaa sabab kale oo wayn u ah hoos udhacay Real madrid.

7. Gool Dhalintuu Guud Ee Madrid Oo Meesha Ka Baxday:   Xili ciyaareedkii 2016/17 waxay Real Madrid si wayn ugu tiirsanayd wadarta gool dhalinta guud ee kooxdeeda iyada oo ugu dhawaan ciyaartoy kasta oo Madrid ahi uu awood u lahaa in uu goolal dhaliyo laakiin markii ay kalsoonida kooxdu hoos u dhacday waxaa meesha ka baxday gool dhalintii badnayd ee ay kooxdu sida wada jirka ah u waday.

8. Musiibadii Kulankii El Clásico. Barcelona ayaa 0-3 ugu soo dubatay Madrid kulankii Bernabéu, wuxuuna ahaa kulan niyada ka dilay Real Madrid isla markaana ay waqtigii fasaxa jiilaalka baxeen iyaga oo murugaysan. Sidoo kale saddexdii dhibcood ee ay Madrid ku lumisay Bernabeu waxay sababtay in Los Balancos ay kalsoonidii ka sii luntay iyada oo aamintay in xili ciyaareedkan ayna koobka difaacan karan.

9. Real Madrid oo Bilawgii Xili Ciyaareedka Awooda Saartay UEFA Super Cup Iyo Spanish Super Cup:

Real Madrid ayaa tababarkii iyo kulamadii xili ciyaareedkan ka horeeyay ee sida wayn loogu diyaar garoobayay diiradeeda iskugu gaysay sidii ay ugu guulaysan lahayd labadii koob ee markaas horyaalay. Real Madrid ayaa Man united ka soo qaaday UEFA Super Cup waxayna marti iyo minanba ku garaacday Barcelona si ay Spanish Super Cupka dariiq uga mariso laakiin waxay markaas lumisay diyaar garowgii xili ciyaareedka  waana sabab kale oo aanu Madrid xili ciyaareedku si fiican ugu bilaamin.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE