Halyeyga Kooxda Liverpool Ee Jamie Carragher Oo Muujiyay Sida Uu Wali Uga Xun Yahay Heshiiskii Uu Philippe Coutinho Ugu Biiray Barcelona

0
26

Difaacii hore  kooxda  Liverpool Jamie Carragher ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in laacibka reer Brazil Philippe Coutinho uu ka baxo garoonka Anfield suuqii kala iibsiga ee lasoo xidhay habeenkii dhawaa ee Arbacada. Kadib markii uu 25 jirka reer Brazil uu ugu dhaqaaqay Barcelona aduun dhan 160 million euro.

Halyeeyga hore ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ayaa wuxuu u sheegay shabakada “Sky Sports” ee dalka England: “Kuma raacsani in Philippe Coutinho laga fasaxo kooxda bartamaha xili ciyaareedka, sidaas oo ay tahay waxaan qeyb kasii ahayn tartamada FA Cup iyo Champions League”.

Jamie Carragher ayaa wuxuu hadalkiisa intaa kusii daray: “Jamaahiirta kooxda Liverpool oo aan anigu qeyb ka ahay, waxaanu dareensanayn farxad iyo daganaan kadib markii uu Philippe Coutinho sii joogay kooxda bilawgii xili ciyaareedkan, inkastoo aan ka war qabnay inuu sii joogi doono Anfield ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka”.

Carragher oo sii waday ka hadalka arinta Coutinho ayaa wuxuu yidhi: “Philippe Coutinho uma wanaagsana ilaa iyo heerkan, mana u qalmo in lagu iibiyo 160 million euros, waxaan door bidi lahaa in qiimo intaa ka yar lagu iibiyo laakiin badalkeeda uu iska sii joogo kooxda ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedka”.

Jamie Carragher oo kooxdiisa Liverpool ku dhaliilsan in ayna suuqii January si fiican u galin ayaa yidhi: “Suuqan maahan mid lagu guuleystay sababtoo ah waxaan luminay xidigo muhiim inoo ahaa”.

Laakiin waxaa xusid mudan in Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa ku adkeysanayay inuu inuu isaga dhaqaaqo Liverpool tan iyo xagaagii hore, kadib markii uu ku war galiyay maamulka kooxda Reds in loo fasaxo ku biirista garoonka Cump Nou, waxayna ugu dambeyn Barcelona ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto saxiixiisa suuqii dhawaan lasoo xidhay ee bisha January.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE