Madaxweynaha DFS oo Maanta lagu Wadaa In uu Furo Kulamo Dib U heshiin ah Magaaladda Gaalkacyo Gobalka Mudug

0
16

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta lagu waddaa in uu furo kulamo dib u heshiisiin ah oo ku saabsan xaaladda gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay muddada uu joogo magaalada Gaalkacyo in uu dardar gelin doono dadaallada dib u heshiisiinta iyo nabadeynta magaalada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilihii u dambeeyay wax badan ka qabatay.

Waxaa uu kulamo wadatashi ah la yeelan doonaa masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo, duubabka dhaqanka, ganacsatada, culumada, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulamaddaasi ayaa ka dhaci doonta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay waxaa u bilowday Safarka uu ku tagaayo degaanada Galmudug, waxaana lagu waddaa in uu berri gaaro Magaalada Cadaado.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE